War Deg Deg Ah: Gaari Uu Leeyahay Masuul Raaskambooni Ahi Oo Hadda Lagu Gubay Saldhiga Kismaayo

0

breaking_news-620x3301Kismaayo(AGGM) War hadda soo dhacay waxa uu sheegayaa in gaari uu leeyahay gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada maamulkii KMG ahaa ee Kismaayo Maxamed Nuur Gacmadheere in lagu gubey saldhigga Kismaayo. Gaarigan ayaa inuu marayey Saldhiga magaalada Kismaayo hortiisa isla markaasna,waxaa la aamisan yahay inay gaarigaasi gubeen Ciidamada Jabhadda Raaskambooni.

Gaarigan waxaa laha Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Jabhadda Raaskambooni oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Gacmadheere oo ay isku hayb yihiin Istiin Xasan Baasto oo dagaalo culus la galay Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in ciidamada Raaskambaani ay rasaas ku fureen gaarigaasi,waxaana la sheegaya inuu ka badbaadey Masuulkaasi oo la sheegay inuu halkaasi ka baxsaday.

Masuulkan ayaa kalsooni ka qabay ciidamada Raaskambooni isla markaasna garabkooda ka tirsanaa ahaana Gudoomiye ku xigeenka Arrimaah Bulshada ee Kooxda Raaskambooni,waxaana la sheegey inay Jabhadda Raaskambooni doonayeen inay ugu aaraan Saraakiil kaga geeriyootey dagaaladii shalay iyo dooraad,waxaana la sheegayaa in arrintani timid markii uu maanta dhaawac culus oo soo gaarey u geeriyoodey sarkaal sare oo shalay dagaaladii ku dhaawacmay kaasi oo magaciisa lagu sheegey Cawil.

Arrintan ayaa timid markii galabta la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyey gudaha magaalada kismaayo taasi oo laag yaabo inay xiisado hor leh dhaliso isla markaasna uu muuqan karaan in dagaaladii kismaayo ka dhacay noqdaan kuwo si kale layskaga aargudanayo,madama masuulkan ka tirsanaa Raaskambooni hadana loogu aargudo dhinacii kale ee ka soo horjeeday.

Gaarigan oo nooca raaxada ayaa la sheegey inay kooxda Raaskambooni Baasuuke huwiyeen isla markaasna ay ka badbaadeen dadkii gaarigaasi saarnaa iyadoo la sheegey inuu meesha ka baxsaday masuulkaasi iyo rag la socday oo shacab ahaa,arrintan ayaa dhabar jab ku noqoneysa nimanka aan la qabiilka ahayn la shaqeeya ciidamada Raaskambooni.

Ma jiraan cid ka tirsan kooxda raaskambooni oo ka hadashay ujeedada loo gubay gaariga ninka ka tirsan dhinacooda balse ay isku haybta yihiin Istiin Xasna Baasto oo dagaal culus la galay  kooxda Raaskambooni,waxaana talaabadan u eg tahay ila jir ama ha ila jirin hadii tolkaa wax ii yeelo adaa u dhimanaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com