Ambassador Annadif Oo Cambaareyay Dagaalada Ka Socda Kismaayo.

0

Mahamat-Saleh-AnnadifMuqdisho(AGGM)  Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Kismaayo inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalada.

Ambassador Annadif ayaa sheegay in inkastoo xaalada guud ee dalka soomaaliya ay soo wanaagsaneeyso,hadane ay jiraan qabado badan oo wajahaya loona baahanyahay in la xaliyo iyadoo loo maraya siyaasiyiinta,hogaamiyaasha diinta iyo hogaamiyaasha bulshada.

Dadka soomaaliyeed iyo hogaamiyaashaba waa inay ka faa’ideystaan nabadda ay keeneen ciidamada XDS,AMISOM iyo xulufadooda,si loogu noolaado nabad iyo barwaaqo.

Ambassador Annadif ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in aysan dayacin fursada taagan oo ay soo gabagabeeyan khilafaadka siyaasadeed ee carqaladeynaya dadaalka lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka soomaaliya.

Waxaan soo dhaweynayaa hindisaha dowlada Federalka soomaaliya oo ah in la qabto shir dib u heshiisiin sida ay horoy u go,aamiyeen wadamada urur goboleedka IGAD,waxaana ku boorinayaa hogaamiyaasha soomaaliya gaar ahaan kuwa Jubbooyinka iyo gobolada kale inay muujiyaan dul qaad oo ay furtaan bog cusub oo ka mid ah taariikhdooda xili dalka uu ka soo gudbay caqabdo badan”ayuu yiri Ambassador Annadif.

AMISOM, waxa ay kala shaqeyneysaa  IGAD iyo wadamada kale sidii loo taageeri dadaalada socda ee ku aadan dib u heshiisiinta iyo midnimada iyo sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com