Warsaxafadeed: Madaxweynaha Somalia oo ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagalka Kismayo

0

IMG_9052Muqdisho(AGGM) Shir Jar’aaid oo ay wada qabteen Madaxweynaha Somalia iyo Ergeyga cusub ee QM ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo.

“Aad iyo aad baan uga xumahay inaan maqlo dagaalo ka soo cusboonaaday Kismaayo. Waa arrin khaldan in Soomaalida dhexdooda ay is dagaalaan, oo dagaalku ma keeno xal ama hami siyaasadeed.

“Waqtigii dagaalada waa uu dhammaaday. Waa inaan midownaa oo aan khilaafkeena ku xalinaa si nabad ah. Waana inaan u midowno la dagaalanka kooxaha Al Shabaab.

“Dowladdu waxey dhowaan qabaneysaa Shir Dib-u-heshiisiineed sidii ay Madaxda IGAD ku heshiiyeen 24kii May 2013”

DHAMAAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com