Warbixin: Xaaladda Dhabta Ah Ee Kismaayo & ciidamadii Dagaalamay Oo Wali Is Horfadhiya

0

83c0606b14c30f1d1e0f6a706700f8abKismaayo(AGGM) Xaalada guud ee magaalada Kismaayo ayaa haatan degan iyo aysan jirin deganaansho aan la saadaalin karin inay halkaasi ka jirto isla markaasna kooxihii dagaalamay wali isku hor fadhiyaan Saldhiga Booliska,Xaafada VIA Afmadow, Somali Star & Dalcad oo ah meeshii dagaalka ugu maanta ka dhacay.

Labada ciidan ee kala tageersan Axmed Madoobe Iyo Istiin Xasan Baasto ayaa la sheegayaa inay wadaan abaabul dagaal oo mar kale ay fooda isku daraan,waxaana laga cabsi qabaa in maalinimadda Beri ah dagaalo hor leh ka qarxaan gudaha magaalada Kismaayo oo ay ku soo qulqulayaan gurmadyo aad u tiro badan oo dhinacyadda Is hayaa kala helayaan, Waxaana gudaha magaalada ka jira dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadaan labada dhinac.

Khasaaraha Dagaalka Maanta:

Khasaaraha dagaalkii maanta dhacay ayaa la xaqiijinayaan inay ku geeriyoodeen in ka badan 26 ruux oo dhinacyadii dagaalamayey u badan,waxaana kooxihii dagaalamay ka dhintey 18 askari kuwaasi oo 12 ka mid ah ahayeen dhinaca Axmed Madoobe oo uu ku jirey sarkaal lagu magacaabo Cabdi Muuse oo ka mid ahaa ciidamada Raaskambooni, waxaana dhinaca kale ee Istiin Xasan Baasto ka geeriyoodey 6 Askari. Waxaana shacabka magaalada ka dhintey 7 ruux oo rag iyo dumar isugu jira .Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in dhaawac labada dhinac uu aad uaga badan yahay isla markaasna wada yaalaan isbitaalka magaalada kismaayo.

Saxafada Soomaalida Iyo Sida Ay Dagaalkaasi uga Hadashay:

Saxafada soomaalida ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkaasi oo sheegey in ciidamadii Istiin Xasan Baasto laga saarey magaalada isla markaasna qaar badan maxbuus ahaan loo qabtey, Warbaahinta Allgalgaduud oo caawa khadka telefoonka kula xariirtey magaalada kismaayo ayaa xaqiijisay in labada dhinac wali isku horfadhiyaan degaanadii ay ku dagaalameen isla markaasna laga cabsi qabo in dagaalo hor leh dhacaan.

Dhinaca kale saxafada soomaalida qaarkeed ayaa dabaacaday in ciidamada Bare Hiiraale ka qayb qaateen dagaaladaasi,waxaana la xaqiijiyey inaan ciidamada Bare hiiraale wax dagaal ah ka qayb qaadan isla markaasna farisiimahooda ciidamada ay ku sugan yiihiin,waxaana la sheegayaa inaysan labada garab midna la safan.

Col Bare Aadan Shire oo ah Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegayaa inuu yahay ninka ugu awoodda badan dhinaca ciidamada,waxaana la sheegayaa in xarumiisaha ciidamadan uu maanta kormeer ku soo maray isla markaasna uu salaan ka qaatey cutubyo ka tirsan ciidamada maamulkiisa .

Xaaladda Kismaayo:

Xaaladu maahan cid cago badan ku taagan waxaa laga cabsi qaba in maalinimada beri ah kooxaha dagalamay mar kale fooda isku daraan gudaha magaalada kismaayo oo aysan wali dhinaca aysan ku xoog badan,waxaana la shaacinayaa in dhinacyada dagaalamayaa ay gurmadyo kala duwan ka helayaan beelaha ay ka soo kala jeedaan.

Si kastey Ahaataab xaalada Magaalada kismaayo ayaa la sheegayaa inay cagaha la sii galayso xiisado dagaal oo ku soo  badanayaan ciidamo kala tageersan kooxo kala duwan,waxaana laga cabsi qabaa in kooxahaasi ku dagaalamaan magaalada kismaayo maalamaha soo socda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com