Madaxweynaha Somalia oo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan UNSOM

0

Madaxweyne-Dawlada-Federaalka-Soomaaliya2Muqdisho(AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee QM iyo xafiiskiisa cusub ee UNSOM.

Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub ee XG ee QM, ahna madaxa UNSOM, Nicholas Key ku soo dhoweyey Villa Somalia oo ay kulankoodii ugu horreeyey ku qaateen ka dibna ay si wadajir ah ula wada hadleen saxaafadda ayaa waxuu yiri:

 

“Farxad weyn bey ii tahay inaan Ambassador Kay ku soo dhoweyo Muqdisho isla markaana aan si rasmi ah u soo dhoweeyo xafiiska cusub ee UNSOM.

 

“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in QM ay nagala tashteen shaqsiga ay u soo magacaabayaan Somalia, tanoo ah markii ugu horreeysey ee QM xafiiskooda wakiilka ka ah dhammaan hay’adaha QM loo soo diro Somalia.

 

“Waa inaan dhammaanteen la wada shaqeynaa UNSOM oo aan ku saacidnaa sidii ay shacabkeena u saacidi lahaayeen. Xafiiska wakiilka ka ah dhammaan hay’adaha QM waxuu noo sahlayaa in la horumariyo adeegyada bulshada iyo wadashaqeynta QM iyo Somalia. Waxaan kaaga mahadcelinaynaa taageerada aad taageertay qorsheyaasha Dowladda ee amniga, nabadeynta iyo dib u dhiska Dalka.

 

“UNSOM waxey imaaneysaa waqtigii saxda ahaa oo dalku horumar sameynayo. Waxeyna na siineysaa kalsooni buuxda ee QM iyo sida ay caalamku ugu heelanyihiin sidii Somalia ay u soo kaban laheyd.

 

“Waxaa jira caqabado fara badan, hase ahaatee waa inaan ka wada gudubnaa oo aan xalkooda u horseednaa. Laakin kaalmo yar oo la siiyo Somalidu waxey bilaabayaan faa’iidada ka soo kabashada dalka oo hadda socda.”

 

Nicholas Kay oo ah wakiilka cusub ee XG ee QM ayaa yiri,”Waxaan u jeednaa cagaar socda oo ah bilowgii Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed aad bey mustaqbalkooda uga rajo qabaan oo ay naga sugayaan hami aad u sareeya. Waana inaan xag sare tiigsanaa. Caalamku waxuu la wadaagaa hamiga iyo rajada shacabka Soomaaliyeed. Aad baana ugu faraxsanahay taageeradooda Xafiiska cusub ee UNSOM.

 

“Waxaana ku faraxsanahay kalsoonida Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaana iga go’an inaan arko Somalia oo dib u soo laabatay, oo nabad iyo barwaaqo dhex taallo shacabka Soomaaliyeed.”

 

 DHAMAAD

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com