Dagaal Culus Goos Goos Ah Oo Ka Socda Degaanka Boqol Buush Ee Magaalada Kismaayo

0

83c0606b14c30f1d1e0f6a706700f8abKismaayo(AGGM) Wararka ka imaanaya duleedka magaalada kismaayo gaar ahaan degaanka lagu magacaabo boqol Buush ayaa la sheegaya inuu ka qarxay iska hor imaad u dhexeya ciidamada raskambooni iyo Cidamo ka amar qaata Istiin Axmed Baasto,waxaana la sheegayaa in ciidamo ka socda Raaskambooni oo ka yimi degaanada Qooqani iyo Taabto ay halkaasi weerareen.

Degaanka Boqol Buush waxaa ku sugnaa ciidamo xoogan oo taageersan Istiin Xasan Baasto waxaana la sheegayaa inay halkaasi ku sugnayeen isla markaasna ciidamo ka socda Jabhadda raaskambanooni weerar ku qaadeen,waxaana wararku sheegayaa inay labada dhinac rasaas goos  goos ah is weydaarsanayaan,

Dhinaca kale gudaha magaalada kismaayo waxaa ka socda abaabul dagaal oo ay wadaan Jabhadda Raaskambooni iyo Kuwa Istiin Xasan Baasto waxaana labada dhinac ku kula sugan yihiin meelihi shalay. Ciidamada Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay isku aruursanayaan dhinaca dekadda iyo gaaroonka,waxaana kuwa kale ku sugan yihiin degaanadii ay shalay kala wareegeen raaskambooni ee gudaha xaafadaha magaalada sida Calanley,Afmadaw iyo meelo badan oo magaalada kismaayo.

Dagaalkaasi shalay ayaa ahaa mid looga awood roonaday Jabhadda Raaskambooni isla markaasna laga dilay sarkaalkaasi ciidamadaasi hogaaminayey,waxaana sidoo kale laga qabsadey gaari nooca dagaalka ah iyadoo degaano dhawr ah xoog loogala wareegey,waxaana hadda laga cabsi qabaa in dagaalo hor leh ka qarxaan gudaha magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii waxaa xaalada kismaayo maanta tahay mid kacsan oo shacabku wadnaha farta ku hayaan isla markaasna ka cabsi qabaan inay kooxaha dagaalamaya mar kale dib ugu dagaalamaan gudaha kismaayo isla markaasna khasaare dhinacooda ka soo gaaro maadama shalay dad shacab ahi ku dhinteen dagaalkii shalay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com