War Deg Deg Ah: Wasiirka Gashaandhiga Oo Ka Hadlay Dagaalka Kismaayo Eedeyna U Jeediyey Kooxaha Dagaalamaya

0

Fiqi11Kismaayo(AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada Federaalka ah ee soomaaliya Mudane Cabdixakiim Xaaji Maxuud Fiqi oo hadda idaacada BBC-da ka hadlay isagoo ku sugan kismaayo ayaa ka waramay dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay gudaha magaalada kismaayo,waxaana uu sheegey in dagaalkaasi ahaa mid xoogan oo u dhexeyey laba nin oo u ku tilmaamay inay sheeganayaan Madaxweyneyaal.

Fiqi waxaa uu daboolka ka qaaday in xaalada Kismaayo tahay mid cakiran isagoo sheegey in laga cabsi qabon in dagaaladaasi mar kale qarxaan,waxaana uu sheegey inay isaga iyo ciidamada Amisom ku mashquulsan yihiin xalinta dagaalkaasi,waxaana uu sheegey inay aad uga xun yihiin dagaal dhexmara shacabka soomaaliyeed.

Wasiirku waxaa uu daboolka ka qaaday inaysan ciidamada dawladu dagaalkaasi ku jirin isla markaasna ay dagaalamayaan kooxo kala tageersan Axmed Madoobe iyo Iftin Xasan Baasto oo labadooduba sheeganaya inay yihiin madaxweyneyaal,waxaana uu sheegey inaysan dawladu labadooda midna u aqoonsaneyn madaxweyne jubbaland isla markaasna ay qalad ku dagaalamayaan.

Dhinaca kale wararka hadda oo saacadu tahay dhinaca afrikada beri 5:12 daqiiqo la shaacinayaa inuu dagaalku hadda dib u qarxay isla markaasna kooxaha dagaalamaya isku adeegsanayaan hub kala duwan,waxaana arrintaasi walaac ku noqotey shacabka masakiinta ah ee ku nool magaalada kismaayo.

Si kastey ahaataba dagaalkii maanta waxaa ku geeriyooday in ka badan10  ruux kuwaasi oo 7 ka mid ahi ahayeen shacab iyadoo tiro kale oo badani ku dhaawacmeen isla markaasna hadda lagu daawaynayo isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ka jirto xaalad daawo la,aan ahi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com