War Deg Deg Ah: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii saakay ka dhacay Kismaayo

0

IMG_9052Nairobi (AGGM) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa aad iyo aad uga xumaaday dagaallo saakay ka dhacay magaalada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo collaadaha iyo dagaalada Soomaalida dhexdeeda ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii yir “ Waxaan tacsi kal iyo lab ah u direyaa intii ku geeriyootay dagaalkii saakay ee Kismaayo, ILLAAH-na uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, eheledii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxaan EEBBE uga baryayaa in inta dhaawaca ahna uu u fududeeyo dhaawacooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in waqtigan xasaasiga ah oo Soomaaliya ay ka soo kabaneyno dagaaladii 22ka sano inay nasiib daro tahay in Soomaali dhexdeeda is disho, waxuuna yiri “ Waxaan ku baaqayaa in xasiloonida la wada illaaliyo oo nabadeynta laga wada shaqeeyo. Dagaal shacab baa nooga dhinta oo qiimo iyo qaayo weyn noo wada leh.”

Madaxweynahu waxuu ku baaqay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara collaad, dagaal iyo dulqaad la’aan. Madaxweynahu waxuu yiri “Dowladdu waa ay ka go’antahay inay wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo si soomaalinimo ah ku wajahdo, kuna dhameeyso dhammaan khilaafka jira si aan u wada gaarno himilada aan wada hiigsaneyno ee ah in Soomaaliya ay cagaheeda isu taagto, lana tartanto caalamka kale.” Ayuu madaxweynahu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa.

          DHAMAAD –

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com