War Deg Deg Ah: Axmed Madoobe Oo Mar Kale Dib Ugu Dhoofey Nairobi,Lagana Sugayo Warbixin Dhab Ah.

0

17921Kismaayo(AGGM) Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo habeen hore dib uga soo laabtey Magaalada Nairobi ayaa maanta dib ugu laabtey Magaalada Nairobi halkaasi oo ay wali ku sugayaan sirdoonka dawladaha Yemen iyo Mareykanku oo 2 maalin ka hor su,aalo ku soo waydiiyey safaaradda mareykanka ee ku taala Nairobi isla markaasna wax laga waydiyey dooni hub waday oo lagu qabtey xeebaha dalka Yemen.

Axmed Madoobe oo ah horjoogaha Jabhadda Raaskambooni ayaa laga sugayey su,aalo ay Sirdoonadaasi waydiiyeen isla markaasna khuseeyey Saraakiil Alshabaab ka tirsanaan jirey isla markaasna hadda ka mid ah Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegey inuu Axmed Madoobe codsaday inuu dib u laabto Magaalada kismaayo isla markaasna kulan la soo yeesho Saraakiishisa uuna wax ka waydiiyo eedeymaha loo haysto ee ku aadan dooni dhawaan ka xiratey dalka Yemen isla markaasna laga helay magacyada saraakiil maamulkiisa ka mid ah oo ay ka mid yihiin Masuul lagu magacaabo Shiikh Isxaaq oo hore shabaab ahaan jirey.

Axmed Madoobe oo habeen hore diyaarad ciidamada mareykanku leeyihiin ku soo celisay Kismaayo ayaa isla shalay kulan deg deg ah la yeeshay Kooxda lagu eedeynayo inay doonidaasi  diritaankeeda ku lug lahayeen,waxaana kulankaasi oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada kismayo kaasi oo saxafada loo diiday isla markaasna ay goob joog ka ahayeen saraakiil mareykan ahi.

Laabashada Axmed madoobe ee Nairobi ayaa  ah mid uu ugu ambabaxay inuu jawaab deg deg ah ku celiyo Sirdoonka ku sugaya Magaalada Nairobi,waxaana lagu sheegey in kulankaasi ka dhacayo isla safaarada mareykanka oo laba maalin  hor su,aalo lagu waydiyey isla markiibana dib loogu soo celiyey magaalada kismaayo.

Si kastey ahaataba Axmed madoobe oo dhawaan sheegtey inuu Madaxweyne ka yahay Jubbaland waxaa soo wajahaya xaalad culculus oo salka ku haya kooxaha isaga la garabka ah isla markaasna  hore uga tirsnaaan jirey Alshabaab kuwaasi oo la sheegey inay lug ku lahayeen dooni saanad mileteri waday oo ka xiratey magaalada TAIZ ee dalka Yemen taasi oo laga helay magacyadood.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com