Ciidamada Nato Oo Dooni Burcad Badeed Xalay Afduubateen Soo Furtay

0

Siciid-RaageGaroowe(AGGM) Eng Maxamed Siciid Raage oo ah wasiirka dekadaha & gaadiidka badda Maamulka Puntland ayaa ka daboolka galabta ka qaaday in ciidamada Nato ee ku sugan xeebaha Puntland ay soo furteen dooni xoolo siday oo u rarneyd ganacsato soomaaliyeed,waxaana wasiirku sheegey in ciidamada Badda Nato hareereyeen doonidaasi.

Wasiirku waxaa uu shaaciyey in Burcad badeedu doonidaasi xalay xilli dambe ka qabsadeen xeebaha u dhaw magaalada bosaso xili ay safar u ahayd dalka dibediisa waxaana uu sheegey inay markiiba ka war heleen arrintaasi isla markaasna ciidamada Nato ee la dagaalanka burcad badeeda xiriir la sameeyeen.

Wasiirku waxaa uu sheegey in markii ciidamadda Nato ay hareereyeen doonidaasi ay kooxdii Burcad badeeda ahayd ay ka dageen isla markaasna shaqaalaha doonidaasi saaran oo bad qaba laga soo dejiyey,waxaana uu sheegey inaysan jirin wax iska hor imaad ah oo dhexmarey ciidamada Nato iyo kooxdii Burcad badeeda ahayd.

Sidoo kale waxaa uu sheegey in burcad badeedii baxsadeen isla markaasna u soo carareen dhinaca xeebaha Puntland,waxaana uu sheegey inay ku raad joogaan kooxdii doonidaasi qafaashay,waxaa kale oo uu sheegey in loo maleynayo inay burcad badeedaasi u baxsadeen dhinaca xeebaha Garacad oo ay burcad badeedu fariisimo ku leeyihiin.

Si kastey ahaataba waxaa talaabadan imaanaysaa xilli aysan bilihi la soo dhaafay burcad badeedu aysan jaanis u helin wax ay afduubaan isla markaasna hawlgalkoodii burcad badeednimo lagu guuleystey inuu hoos u dhac ku yimaado iyadoo burcad badeedaasi caalamka oo dhan qaylo kaga keeneen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com