Suldan Cabdi Nuur Iidow '' Ma Aqbalayno Inuu Na Maamulo Nin Ka Yimid Qabri Daharre Oo Itoobiya Lagu Gumeysto ''

0

Kismaayo2Kismaayo(AGGM) Suldaanka Beesha Shambare ee degen qaybo ka mid ah gobolada Jubooyinka  Suldaan Cabdi Nuur Iidow oo ka hadlay xaalada magaalada kismaayo ayaa sheegey inay nasiib darro tahay in dad degaan kale ka yimid sheegteen dhul soomaaliyeed,waxaana uu sheegey in hamigoodu yahay xal bacaad lagu lisay.

Suldaan Cabdi Nuur Iidow waxaa uu daboolka ka qaaday inaysan shacabka soomaaliyeed ee u dhashay ilaa raaskambooni ilaa raascaseyr aysan aqbali doonin inay maamul u sameyso dad u dhashay dalka Kiiniya iyo Itoobiya oo uu ku tilmamay inay ilaa iyo hadda ku jiraan gumeyste gacantood.

Suldaan Cabdi Nuur waxaa uu ugu baaqay inay kooxda Axmed Madoobe iyo kuwa la socdaa ay ka fekeran aayahooda isla markaasna ay dib ugu laabtaan degaanadii ay ka yimaadeen oo ay ku noqdaan kilinka 5 aad iyo gaarisa isagoo carabka ku adkeyey inaan shacabka soomaaliyeed tallada Axmed Madoobe iyo kooxdiisa marnaba aqbalayn.

Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ” Macquul mahan in nin ilaa hadda gacanta gumeysi ku jiraa uu u hanqal taago inuu dhul soomaaliyeed maamulo mana dhici karto , laakiin haddii ay ciidda soomaaliya ku joogayaan qaxooti ahaan waanu aqbalayenaa waanuna soo dhaweyneynaa balse kama yeeli doono inay dhahaan dhulka anaggaa leh ”.

Hadalka suldaankan waxaa uu imaanayaa xilli shalay salaadiin kale oo ka soo jeeda gobollada jubooyinku shaaca ka qaadeen inaysan dooneyn in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisu maamusho dalka soomaaliya qayb ka mid ah iyagoo ku tilmaamay inay ka yimaadeen meelo ka baxsan dhulka soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com