Qardho Oo Lagu Wado Inay Kulan Ka Dhan Ah Faroole Ku Yeeshaan Waxgaradka Puntland

0

SONY DSCBosaaso(AGGM) Xarunta gobolka Karkaar ee Degmada Qardho waxaa maalmihi la soo dhaafay ka socday kulamo ay leeyihiin waxgaradka ka soo jeeda degaanada Puntland intooda badan kuwaasi oo ka tashanaya aayaha iyo amaanka degaanada Puntland,waxaana la sheegey inuu kulankaasi qabtey Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Cade Muuse Xirsi oo ah nin dadweynaha Reer Puntland aad u jecel yihiin.

Waxgaradkan ayaa diidan siyaasada faroole ee ku aadan maamulida degaanada Puntland waxaa waxgaradkani ku doodayaan inuu faroole sanad dheeri ah ku darsadey Xilka madaxtinimada Puntland,waxaana ay sheegeen waxgaradkaasi inaysan sanadkaas aqoonsaneyn isla markaasna ay ka tashanayaan sidii degaanada Puntland maamul ugu sameyn lahayeen.

Sanadkan bilawgiisii ayay ahayd markii Madaxweyne Faroole Ansixistey sanad dheeri ah in loogu darro isla markaasna uu doonayo inuu sanadkaas degaanada puntland ka hirgaliyo doorasho shacabku soo doortaan ciddi ay doonaan,waxaana arrintaasi ku gacan saydhay waxgarad iyo aqoonyahano badan oo ka soo jeeda degaanada Puntland.

Generaal Cade Muuse oo kulankan waxgaradka wada ayaa daboolka ka qaaday inuu Faroole ku takri falay hantiidi Puntland isla markaasna uusan ogoleyn horumarka iyo amaanka degaanada Puntland,waxaana uu sheegey inuu ka dambeeyo faroole hanjabaadda iyo cago jugleynta lagu hayo waxgaradka iyo aqoonyahada ka soo jeeda Puntland.

Kulankan ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda ka furmo Beerta Boqor Muuse ee ku taala duleedka Qardho halkasi oo ay hadda qaybo ka mid ah waxgaradka degaanada Puntland ku sugan yihiin isla markaasna ku doonayaan inay kaga hadlaan xaaladaha ka taagan degaanada Puntland.

Ugu dambeyntii Maamulka Cabdiraxmaan Faroole ayaa isagu dhankiisa ku hanjabaya inuu xabsiyadda u taxaabi doono cid kasta oo isku dayda inay kulamo aan maamulkiisu ogeyn ku qabata degaanada Puntland, Waxaana uu hadda kulankan ku soo beegmaya xilli Faroole ku maqan yahay Magaalada Nairobi.

Samsam Cabdi Aadan

Qardho, Karkaar

Allgalgaduud@gmail.com