Xiisad Colaadeed Oo U Dhexeeysa Maleeshiyada Falaagada Al Shabaab Ee Ku Sugan Dagmada Saakow.

0

shabaab123Muqdisho (AGGM): Xiisad colaaded oo u dhaxeysa labo kooxood oo ka wada tirsan maleeshiyada al-Shabaab ayaa ka taagan degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Xiisadda ayaa ka dhalatay kaddib markii mid ka mid ah labada kooxood oo ku sugnaa degmada ay ka dalbatay kooxda kale oo dhowaan gaaray Saakow inay ku wareejiyaan nin la socday kooxda, iyaguna waa ay diideen wareejinta ninka.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in ninka uu yahay mid fakad ah, bacdamaa uu khilaaf u dhexeeya hor-joogayaasha sare ee maleeshiyada falaagada Al Shabaab.

Warar aan la xaqijinin ayaa sheegaya in ninka uu haysto dhalasho dalka Tanzania.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com