Shir Looga Hadlay Xoojinta Ammaanka Oo Ka Dhacay Magaalada Luuq Ee Gobolka Gedo.

0

top newsLuuq (AGGM): Maamulka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee degmada Luuq ayaa kulan looga hadlayo sidii la isaga kaashan karo ammaanka waxa ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada.

Guddoomiyaha degmada Luuq Axmed Buulle Gareed Canjeex ayaa sheegay in hadda la isku hallayn karo xaaladda ammaan ee degmada, balse loo baahan yahay in intaas laga sii siyaadiyo.

Diyaad Cabdi kaliil, madaxa amniga Luuq ayaa ayaa ugu baaqay shacabka degmada inay ka qeyb qaataan sugidda ammaanka.

Waa markii ugu horreysay oo kulan nocaan ah ay wada qaatan maamulka degmada Luuq  iyo Shacabka tan iyo markii la magacaabay gudoomiyaha cusub.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com