Faahfaahin Qarax Xalay Ka Dhacay Xafiiska Madaxweyne Bare Hiiraale Ee Magaalada Kismaayo

0

kismayoKismaayo(AGGM) Maamulka Jubbaland ee garabka Madaxweyne Bare Aadan Shire ayaa ka hadlay xalay qarax ka dhacay meel u dhaw xafiiskiisa,waxaana maamulku sheegeen inaan qaraxaasi wax dhibaato ahi uusan geysan. Sidoo kale maamulku waxay sheegeen inuu qaraxaasi ahaa midka gacanta laga tuuro isla markaasna aan wax dhibaato ah geysan.

Sarkaal u hadlay ciidamada Mamulka Jubbaland oo qaraxaasi ka warbixiyey ayaa daboolka ka qaaday inuu qaraxaasi ahaa bam gacmeed isla markaasna ay gacanta ku soo dhigeen kooxihi qaraxa tuurey,waxaana uu sheegey inay maxkamad soo taagayaan kooxdaasi isagoo xusay in intii baxsatey ciidamada dawladu ku daba jiraan.

Sidoo kale waxaa uu xusay sarkaalkaasi inuusan qaraxu wax dhibaato ah geysan isla markaasna uu ku dhacay meel ka fog xafiiska Madaxweynaha Jubbaland gaar ahaan meel u jirta 80 mitir,waxaana uu sheegey in kooxda qaraxaasi soo tuurtey ay cabsi qabaan isla markaasna aysan kalsooni buuxda haysan.

Dhinaca kale waxaa uu daboolka ka qaaday ciidamada amaanku raad joogaan kooxo kale oo la aaminsan yahay inay falal amaan daro ka wadan gudaha kismaayo iyadoo maamulka Jubbaland uu sheegey inay wax badan ka qabanayaan dhibaatada ka taagan magaalada kismaayo isla markaasna gacan bir ah ku soo qabanayaan.

Si kastey ahaataba waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda wefti uu hogaminayaa Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire uu kormeer ku tagi doono degaano ka tirsan gobolka Jubadda hoose oo ciidamada dawladu ku sugan yihiin isla markaasna  uu ciidamadaasi kula soo dardaarmo inay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com