Warbixin Dhab Ah: Faroole Oo Uhuru Uga Dacwooday Lacag Maanta Sirdoonka Kiinya Ka Qaadeen ( Sawiro)

0

114Nairobi(AGGM) Ka Dib markii saaka ciidamada sirdoonka Kiiniya si lama filaan ah u soo galeen huteelka uu Madaxweyne Faroole ka degaana magaalada Nairobi ayna ku qabteen boorso lacag ah oo la sheegey inay cadadkeedu ahaa 4 Milyan oo dollarka mareykanka ah,waxaa hal mar is bedellay jawiga guud ee huteelkaasi iyo weftigii la socday Faroole,waxaana dhacday in Faroole qaylo dhaan u dirsaday masuuliyiin soomaali ah oo ka tirsan dawlada Kiiniya.

Isla markiiba waxaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Qaylo dhaantiisa ka jawaabay masuuliyiin ay ka mid ah yihiin wasiiradda arrimaha dibedda Kenya Marwo Aamina Maxamed Jibriil oo la sheegey in deg deg ugu timi Huteelka uu degan yahay Madaxweyne Faroole isla markaasna ay la garab gashay sidii hantida Faroole ciidamada sirdoonka dalka kiiniya ku qabteen dib loogu soo celin lahaa.

Sidoo kale waxaa arrimahaasi soo dhexgalay Masuuliyiin uu ka mid yahay Prof  Maxamed Cabdi Gaandi oo dawlada Kiiniya xiriir wanaagsan la leh iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Raisalwasaarihii hore ee dawladii kmg ah ee soomaaliya Dr Cumar Cabdirashiid,waxaana la sheegey inay isku day badan oo ay sameeyeen ku guuleysan waayeen in lacagtaasi dib loogu soo celiyo gacanta Mudane Cabdiraxmaan Faroole.

Wasiiradda arrimaha dibedda Kiiniya Drs Amina Mohamed Jibriil ayaa la sheegey inay xiriir la sameysay taliska Sirdoonka dawladda Kiiniya isla markaasna kala hadashay arrimaha lacagtaasi,waxaana la xaqiijiyey in Sirdoonku Drs Amina Mohamed Jibriil u sheegeen inay lacagtaasi lagu hayo Xarunta Taliska sirdoonka kiiniya isla markaasna Maxkamad la hor keeni doono,waxaana ay sheegeen inay mamnuuc tahay in lacag intaasi leeg gacanta lagu qaato, dood dheer ka dib Drs Amina ayaa la sheegey inay xiriir deg deg ah la sameysay Madaxweyne Uhuru Kenyatta isla markaasna ka codsatey inay la kulmaan arrintaasina dhacday.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa la xaqiijiyey inuu kulankaasi aqbalay ,waxaana la sheegey inay Drs Aamina Mohamed Jibriil isla markiiba Faroole Iyo Ergaddi la socotey u hogaamisay dhinaca Madaxtooyadda Kiiniya ee magaalada Nairobi,waxaana la sheegey inay Madaxweyne Uhuru kala hadleen lacagta ciidamada sirdoonka kiiniya gacanta ku dhigeen,waxaana la sheegey inuu Madaxweyne uhuru arrintaasi soo dhexgalay isla markaasna xiriiri la sameeyey taliska ciidamada sirdoonka dawlada kiiniya si ay lacagtaasi dibh ugu soo celiyaan.

Kulankan maanta dhexmarey Madaxda Kiiniya iyo Weftiga Faroole ayaa saxafadu maanta been abuur ka sheegtey isla markaasna ku tilmaamtey in looga hadlay arrimo badan taasi oo aanay waxba ka jirin isla  markaasna saxafada dalka kiiniya qortey sida wax u dhaceen isla markaasna u shaaciyeen lacagta lagu qabtey madaxweynaha Maamulka Puntland.

Arrintan ayaa ah mid aad looga hadal hayo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kiiniya,waxaana la sheegey in Madaxda dalka kiiniya aad ula yaabeen madaxweyne Maamul Gobolleed oo lacag intaasi leeg boorso ku sita,waxaana madaxda kiiniya Madaxweyne Faroole si cad ugu sheegeen inaan lacag intaasi leeg aan garoon diyaaradeed lagala soo degi karin isla markaasna aan gacanta lagu qaadan karin.

Lama oga xilliga lacagtaasi ku soo noqon doonto gacanta madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Faroole,waxaana la sheegey in loo balan qaadey in lacagtaasi loo soo celiyo balse aan gacanta laga gelin doonin isla markaasna uu sheegto meel loogu shubo lacagtaasi iyadoo dawlada kiiniya walaac ka qabto in lacagtaasi arrimo amaan darro looga geysto gudaha dalka kiiniya.

Si kastey ahaataba madaxda Maamullada dalka soomaaliya ayaa caado ka dhigtey inay dhacaan hantida dadweynaha isla markaasna aysan wax mushahaarad ah siinin ciidamada,shaqaalaha dawladaha iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee maamuladoodu ka kooban yihiin,waxaana lagu qeexaa inay hantida dalka ku xawishaan dalka dibediisa. Sidoo kale fadeexadan waxaa si weyn looga hadla hayaa gudaha degaanada Puntland.

1142726-million-dollars-03

Xasan Bulaale Faarax

Nairobi,Kiiniya

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com