Dawladda Oo Heegan Buuxa Galisay Ciidamadeeda Qalabka Sida Si Alshabaab Ay Dagaalo Hor Leh Ula Galaan

0

jasiiro xarunta ciidanka xooga 2Muqdisho(AGGM) Wasaaradda Gashaandhiga dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday inay heegan buuxa galisay ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka soomaaliya isla markaasna heegan kaasi yahay sidii Alshabaab looga sifeyn lahaa degaanada ay gacanta ku hayaan isla markaasna looga cirib tiri lahaa degaanada soomaalida.

Sarkaal ka tirsan wasaarada gashaandhiga dawlada soomaaliya oo saxafada la hadlay ayaa shaaciyey in ciidamadooda ay ku jiraan hawlgalkii ugu dambeeyey ee ay dalka kaga xoreyn lahaayeen Alshabaab,waxaana uu sheegeyn in qorshahaasi hadda marayo meel gebo gebo ah isla  markaasna ciidamadu diyaar u yihiin inay gutaan waajibkooda.

Hadalkan ka soo baxay wasaarada gashaandhiga dawladda soomaaliya ayaa imaanaya xilli ciidamo badan oo ka socda wadamada afrika soomaaliya qaarkodo soo gaareen maalmihi u dambeeyey,waxaana lagu wadaa in ciidamada xoogga dalka soomaaliya ka barbar dagaalami doonaan ciidamadaasi si alshabaab degaanada gacantooda ku harsan looga saaro.

Sidoo kale waxaa wasaaradu aysan shaacin degaanada hawlgaladaasi laga fulin doono isla markaasna xoog looga saari doono Alshabaab,waxaana lagu wadaa degaanadaasi inay noqon doonaan degaanada sida Baardheere,Baarawe,Jilib Iyo Bua,aale oo Alshabaab hadda si buuxda u maamulaan.

Ugu dambeyntii ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ayaa hadda u muuqda kuwo u diyaar garoobaya dagaalo ka dhan ah kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan degaano badan oo ka tirsan gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan dhinacyada koonfurta,waxaana lagu wadaa in hawlgaladaasi bilowdaan maalmahaa soo aadan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com