Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed Ku Heysta Dalalka Dibadda Ah.

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Guddiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan arrimahadibadda baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa baaq ka soo saaray dhibaatooyinka faraha badan ee dadka Soomaaliyeed ku haysta wadamo kala duwan oo ku yaalla caalamka dacaladiisa, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku jiraan xabsiyada dalal badan iyaga oo aan helin wax u dooda xuquuqdooda.

Markii uu soo gabagaboobay kulanka xubnaha gudiga arimaha dibadda baarlamaanka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha gudigaas xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa waxaa warbaahinta uga waramay waxyaabihii kasoo baxay kulankooda gudoomiye ku xigeenka gudiga Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa wuxuuna sheegay iney soo saareen baaqyo ay ku dalbanayaan in xabsiyada laga sii daayo kumanaanka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal badan.

Dalxa ayaa sheegay in gudoomiyaha gudiga arimaha dibada baarlamaanku uu magacaabay gudi gaara oo u xilsaaran iney soo diyaariyaan sidii baarlamaanku uu go’aan cad uga qaadan lahaa tacadiyada lagu hayo umadda Soomaaliyeed ee ku sugan wadamo dhowr ah oo ay ugu daran tahay dhibaatada Soomaalida ku haysata dalka Koonfur Arika.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in maalmihii danbe ay soo badanaysay qayla dhaanta ka imaanaysa Soomaalida Koonfur Afrika oo lagu hayo dil boob,kufsi iyo tacadiyo kale oo ka baxsan bini aadaninimada,wuxuuna tilmaamay inuu marar badan xiriir lasoo sameeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur afrika Shariid Siidii oo u sheegay masuuliyiinta dowladda in dhibaatada lagu hayo Soomaalida kunool dalkaas ay sii kordheyso maalinba maalinta ka danbeysa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com