War Deg Deg Ah: Col. Cabaas Iyo Ciidamo Uu Wato Oo Soo Gaaray Magaalada Kismaayo

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya hadda magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Col. Cabaas iyo ciidamo uu wato ay galabta soo gaareen magaalada Kismaayo.

Ciidamadan oo ah kuwo aad fara badan kuna hubeeysan  hubka noocyadiisa kala duwan islamarkaana wata gaadiidka dagaalka oo fara badan ayaa waxa ay kasoo kicitimeen dhanka gobolka Gedo, warkuna waxa uu sheegayaa in ciidamadan ay hadda ku sugan yihiin gudaha magaalada Kismaayo.

Ma ay jiraan illaa hadda wax war ah oo Col. Cabaas iyo Saraakiisha la socota ay siiyeen bahda saxaafada magaalada Kismaayo, waloow ay warbaahinta allgalgaduud Media hadduu Alle Idmo idiin soo bandhigi doonto maqal iyo muqaalba.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com