Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ahlusuna Ee Gobolka Gedo Oo La Mideynayo.

0

ciidan tababarGarbahaarey (AGGM): Kulan ballaaran ayaa xalay magaalada Garbahaarey  ku dhexmaray saraakiisha Ciidamada DFS iyo kuwa Culumaa’udiinka Ahlusuna-waljamaaca, waxaana kulanka looga hadlayay isbadalka Ciidamada maalmo kahor lagu sameeyay.

Kulanka oo mudo socday, ayaa waxa kasoo baxay qodobo dhor ah, oo ay ugu muhiimsaneyd in lamideeyo dhamaan ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan, kuwasoo tababaro kusoo kala qaatay dalalka Kenya iyo Ethiopia iyo Ciidamada Ahlusuna ee halkaas ka howlgala.

Waxaa maalmo kahor kulan ka dhacay Garbahaareey xilikii looga qaaday Taliyihii ugu sareeyay Ciidamada dowladda oo lagu magacaabi Jiray Jamaal Xasan fareey, waxaana xilka lagu wareejiyay mid kamid ah saraakiishii horay ugu sugneyd magaalada oo lagu magacaabo Black Facayo.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa qodobada shirka kasoo baxay, in hogaanka cusub ay ka amar qaadan doonaan ciidamada doowlada iyo ururka Culumaa’udiinka Ahlusuna-waljamaaca oo horay u ahaa hogaan ka madax banaan doowlada balse hata hogaanka kaliya ee jira uu yahay taliyaha Cusub ee DFS.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com