Wasiiraddii Dawlada Federaalka Ee Kismaayo Ku Sugnaa Oo Muqdisho Dib Ugu Soo Laabtey

0

ciilmooge1-466x350Muqdisho(AGGM) Wasiiraddi dawlada federaalka ee soomaaliya ee maalmihi la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Kismaayo ayaa galabta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya halkaasi oo ay ku soo dhaweyey Masuuliyiin ka tirsan dawlada federaalka ee soomaaliya kuwaasi oo kala ahaa wasiika Arrimaha Gudaha iyo Ammaanka Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, Muxudiin Maxamed Kaalmoy, wasiir ku xigeen Warfaafinta C/Shakuur Cali Mire, wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, C/raxmaan Dheere iyo saraakiil kale.

Weftigan dawlada federaalka ah ee maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho waxaa hogaaminayey wasiirka gashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi,waxaana safarkiisa kula weheliyey wasiirka Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciil-mooge Xersi, waxa uuna warbahinta qaranka u sheegay in wafdiga uu soo nabad laabtay, isla markaana natiijooyin badan ay gaareen intii ay Kismaayo ku sugnaayeen.

Masuulyiintan ayaa maalmihi la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo iyagoo kulamo muhiim ah la soo qaatey waxgaradka magaalada kismaayo iyo maamullada isku haya gacan ku haynta magaalada Kismaayo,waxaana ay sheegeen inay dhamaan dadkii ay kula soo kulmeen magaalada Kismaayo ahayeen dad u baahi qabay nabad iyo xasilooni.

Si kastey ahaataba waxaa magaalada kismaayo wali ku sugan masuuliyiin dawlada federaalka ah ka tirsan kuwaasi oo wada arrimo la xiriira sidii xaaladda kismaayo looga dhigi laha mid xasiloon isla  markaasna shacabka iyo maamuladda kala duwan ee ku sugan kismaayo looga dhaadhicin laha inay u diyaar garoobaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho kaasi oo ay isugu imaan doonaan dadka ku dhaqan gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Iska Ku Hay Ku Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com