Shaqooyin Ka Banaan Guriga Axmed Madoobe Oo Leeysku Heeysto.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shaqooyin ka banaan guriga horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Leeysku heeysto.

Shaqooyinkan ka banaan  guriga Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxaa kamid ah kuwan soo socda,

Labandaanyiiste (Dhar Dhaqe)

Kuuga Cunada Kariya

Kal Kaaliye Kuuga Cuntada Kariya

Waardiye

Shufeer

Timojare

Jaridinyeeri

Xamaali

Iyo Booy guriga ka shaqeeya nadaafadiisa

Sida wararku sheegayaan shaqooyinka ayaa waxaa isku heeysta sagaal nin oo nin walba kan kale leeyahay aqoon umalahan qabashdeeda anaa ka badiya shaqada, sida ragan ay sheegeen mid walbaa waxuu leeyahay waxaan u heeystaa 15 sano oo waayo arragnimo ah shaqadaas.

Dhinaca kale murankan dhanka shaqooyinka ah ee ka taagan guriga Horjoogaha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa timid kadib markii uu ku hungoobay in uu noqdo Madaxweynaha Jubbaland taa ayaana waxaa sabab looga dhigayaa in murankan ka dhasho guriga Horjoogaha.

Dhamaan raggan ayaa waxa ay ku hungoobeen inay madax ka noqdaan Maamul loo yagleeli lahaa Jubbaland, taa ayaana sababatay inay shaqo u doontaan guriga horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo waxaan idiin balan qaadaynaa inaan dhawaan idiin soo gudbin doono magacyada iyo sawirada shaqsiyaadkan isku heeysta shaqooyinkaas iyo deegaanada ay kasoo kala jeedaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com