Prof. Jawaari "Kenya Waxaan Ka Dalbaneynaa In Aysan Soo Fara-gallin Siyaasada Dalka".

0

Prof-Jawaari(1)Muqdisho (AGGM): Iyadoo dhawaan mudayaasha baarlamaanka Soomaaliya qaarkood u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya, ayuu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Max’ed Cismaan Jawaari in barlamaanku xaq u leeyaha in uu Kenya ka dalbado in aysan soo fara-galin arrimaha siyaasada dalka.

Waxaa uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya in baarlamaanku yahay hay’adda sharci dajinta dalka, sidaa daraadeed ay  qasab ku tahay baarlamaank iyadoo loo marayo dhinaca sharciga in Kenya uu ka dalbado in ay fara-galinta ka deyso arrimaha siyaasada Soomaaliya.”

“Maadaama golaha Baarlamanku yahay Hey’adda Sharci ee dalka, waxan ku qasbanahay Kenya inaa ka dalbano ineysan soo faragelin siyaasadda dalka”ayuu yiri Prof. Jawaari qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Dowladda Kenya gaar ahaan ciidamada ka jooga magaalada Kismaayo ayaa lagu eedeeyaa in ay faraha kula jiraan howlo ka baxsan sida la sheegay nabad ilaalinta, iyaga oo gacan saar hoose la leh maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

“Mowshin ayeey xildhibaanada qaranka qaarkood ka keeneen faragelinta aan wanaagsaneyn ee ciidamada Kenyaatigu ku hayaan arrimaha Jubbooyinka”ayuu sii raaciyay qoraalkiisa uu soo dhigay Twitter-ka.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili dhowr cisho ka hor madaxweynaha dowladda Soomaaliya eedeyn ballaaran u jeediyay cidamada Kenya ee  ku sugan Kismaayo, isaga oo sheegay in ay faraha kula jiraan howlo ka baxsan shaqadii loo idmaday.

Sidoo kale guud ahaan mas’uuliyiinta dowladda ayaa beryihii u dambeeyay muujineysay sida aanay ugu qanacsaneyn fara gelinta Kenya ku wado arrimaha Jubooyinka, iyadoo si dadban u taageerta Axmed Madoobe oo hogaamiya garab ka mid ah Maamulka Jubb-land.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com