C/kariin Guuleed “Maamulka Axmed Madoobe wuxuu ka dhigan yahay ilmo meher la’aan dhashay”

0

wasir-cabdi-kariin1Muqdisho(AGGM) Cabdikariin Xasan Guulleed oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dawlada federaalka ah soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha maamul u sameynta gobollada jubooyinka,waxaana uu sheegey in xaaladaha maamul u sameynta gobollada dalka ay qayb muhiim ah ka tahay arrimaha maamulka loogu dhisayo gobollada jubooyinka.

Waxaana wasiirku weeraray maamulkii dhawaan Axmed madoobe kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo,waxaana uu ku tilmaamay in arrintaasi dawlada federaalka ahaysan waxba ku ogeyn isla markaasna aysan aqoonsaneyn maamul aan dawlada federaalka ahi lug ku lahayn,waxaana uu ku tilmaamay sharci darro.

Dhinaca kale waxaa wasiirka la waydiyey mawqifka dawlada federaalka ahi ka taagan tahay Maamulka Axmed Madoobe sheeganayo,waxaana uu sheegey in Maamulkaasi yahay sidii ilmo meher la,aan ku dhashay isla markaasna aysan habooneyn in lagu tilmaamo maamul sharci ah.

Waxaana uu yiri ” “Maamulada la dhisay inta ay jirto xukuumadaan ma aha kuwa dowladu aqoonsan tahay Waxa ay ka dhigan yihiin ilma sharci la’aan dhashay, Mana aqoonsanin wax maamul ah oo dawladu aysan lug ku lahayn isla markaasna aysan tageersaneyn shacabka soomaaliyeed,Dawlada soomaaliya waxay xaq u leedahay ina maamul u dhisto raaskambooni ilaa raascaseyr,taako kasta oo soomaaliya ka mid ah ”.

Gebagabadii waxa hadalkani imaanayaa xilli maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabteen wefti heer wasiiro ah oo maalmihi la soo dhaafay ku sugnaa magaalada kismaayo kuwaasi oo kulamo la soo qaatey maamulo kala duwan oo magaaladaasi looga dhawaaqay iyo saraakisha ciidamada dawlada soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com