Ciidamada Dowladda Oo Maanta Baaritaano Adag Ka Wada Degmada Jowhar.

0

ciidamada_xooga_dalka_MarkaJowhar (AGGM): Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay waxay magaalada Jowhar ka wadaan baaritaano aad u adag kadib markii xalay lagu Dilay halkaas Gudoomiyihii Xaafada Hantiwadaag ee degmada Jowhar.

Allaha u naxariistee Xuseen C/llaahi Cumar oo lagu naaneysi jiray Jicib ayaa kooxo ku Hubeysan bastoolado waxay ku Dileen Nawaaxiga Suuqa Xaafada Hantiwadaag, salaadii maqrib kadib.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ilaa labo ruux ay toogteen Xuseen Jicib, iyadoo rasaasta ka haleeshay qaarka sare ee jirkiisa.
Ciidamada ayaa saakay wada baaritaano ku aadan in la qabto dadkii ka danbeeyay dilkaas, sida ay bogan u sheegeen saraakiisha Dowlada Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com