Saraakisha Ahlusuna Waljameeca Ee Gobolka Gedo Oo Axmed Madoobe Ku Tilmaamay Shabaab

0

Somali militants from the pro-government Ahlu Sunna Waljamaca group perform a religious hymn during a military exercise in Bermuda neighborhoodKismaayo(AGGM) Shiikh Isxaaq Mursal Geesdheer oo ah xoghayaha Gashaandhiga Ahlusuna waljameeca ee gobollada koonfureed ee dalka soomaaliya si kulul saxafada uga wareeray Axmed Islaan Axmed Madoobe,waxaana uu kue eedeyey inuu Axmed madoobe xiriir  dhaw la leeyahay Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta gobollada Gedo iyo Jubooyinka.

Mudane Geesdheer waxaa uu daboolka ka qaaday inay daliilo cadaan ah u hayaan arrinta ku saleysan inuu Axmed madoobe xiriir dhaw la leeyahay Alshabab,waxaana uu sheegey inuu hadda gudaha kismaayo ka bilaabay arrimo ayu soo xil saarteen Alshabaab isagoo arrimahaasi ku tilmaamay dilalka qorsheysan iyo qaraxyo.

Waxa kale oo uu sheegey inuu Axmed madoobe hadda ka hor ahaan jirey Maxkamadihii islaamiga ah, uuna markii dambe u degel rogtey Alshabaab markii kale uu ku gacan dambeeyey Ururkii Xisbul Islaam,Waxaana uu sheegey inuu ka gadaal Xisbul islaam uu ku biirey Raaskambooni oo salka ku haysa Alshabaab,waxaana uu sheegey in Alshabaab iyo raaskambooni isku mid yihiin.

Dhinaca kale waxaa uu sheegey in Ahlusuna waljameeca aysan aqbali doonin inuu Axmed Madoobe ku sugnaado gobollada Koonfureed ee dalka soomaliya degmo ka tirsan,waxaana uu sheegey inay sida alshabaab ula dagaalaami doonaan,waxaana uu dawlada soomaliya ugu baaqay inay ka fogaato wada hadaladda ay hadda la wadaan Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii waxaa uu Shiikh Isxaaq Gees Dheer sheegey in Axmed Madoobe iyo Alshabaab isku mawqif ka yihiin xaalada dalka soomaaliya,waxaana uu sheegey in talabaadaasi tahay mid muuqata uuna doonayo inuu dhaqaalaha ka soo xerooda dekedda iyo garoonka kismayo ku dhacaan gacanta Alshabaab si dawladda soomaliya loola dagaalamo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com