Qarax Miino Oo Ninkii Dhigeyey Kula Qaraxday Gudaha Gaarisa & Ninkaas Oo La Aqoonsadey

0

Ciidanka-kenyGaarisa(AGGM) Gudaha Magaalada Gaarisa waxaa xalay laga maqlay qarax aad u weyn kaasi oo ahaa mid jahwareer ku riday shacabka ku dhaqan Magaalada Gaarisa,waxaana qaraxaasi ahaa mid aad u sawaxan dheer isla markaasna lagu tilmaamay inuu ahaa miinada dhulka la geliyo ee meelaha fog fog laga hago.

Qaraxan waxaa ku geeriyooday hal ruux oo la sheegey inuu ahaa ruuxi qaraxaasi wadada galinayey,waxaana la sheegey inuu ruuxaasi cad cad u kala go,ay. Qaraxan ayaa la sheegey inuu ruuxaasi rabay inuu galiyo wadada ugu mashquulka badan ee lagu magacaabo Kismayo Road,waxaana wadadaasi tahay midda ugu badan ee dadweynaha iyo gaadiidku adeegsadaan.

Saaka ayaa dadku ku soo tooseen meydka ninkaasi oo yaala wadada bartankeeda isla markaasna hilibihisu ay yaalaan wadada dhexdeeda inkastoo aan wajiga wax badan ka gaarin laakiinse uu qaarka dambe iyo qaarka kal kala go,een,waxaana markiiba sheegeen in dadka degaanka qaarkood garteen  ninkaasi isla markaasna uu noqday nin degaanka ah.

Taliyaha booliska magaalada Gaarisa Charlton Murithi oo saxafada kula hadlay taliska ciidamada booliska magaalada gaarisa ayaa daboolka ka qaaday in ninkaasi uu doonayey inuu halaago dad shacab ah oo aan waxba galabsan balse uu isagu ku geeriooday,waxaana uu sheegey in ninkaasi la gartey isla markaasna uu yahay nin u dhashay dalka kiiniya gaar ahaan magaalada gaarisa isla markaasna la garanayo eheladiisa.

Taliyaha boolisku waxaa uu baaq u direy shacabka magaalada gaarisa waxaana uu ku eedeyey in dadka dhibaatada wadaa intooda badan ka soo jeedaan magaalada gaarisa ama gobolka waqooyi beri ee dalka kiiniya,waxana uu sheegeyn inay iyagu gacan buuxda ku leeyihiin weerarada alshabaab ku soo qadaan gudaha dalka kiiniya isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan tageeradda ay u hayaan Alshabaab.

Ugu dambeyntii hadalkan ayaa imaanaya xilli amaanka gobolka waqooyi bari dalka kiiniya faraha ka sii baxayo iyadoo dhawaan Alshabaab weeraro culus ku qaadeen degaano ku yaala gobolka waqooyi bari isla markaasna la wareegeen magalooyin ku yaala gudaha gobolkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com