Maamulka Puntland Oo Ku Eedeeyay Madaxweynihii Hore Cadde Muuse Dagaal Ooge.

0

cade muuse 1Garoowe (AGGM): Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Puntland General Cadde Muuse Xirsi inuu qalalaase siyaasadeed iyo nabadgelyo xumo ka wado Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa ku eedeeyay General Cadde Muuse inuu ku howlan yahay abaabulka xasarad iyo xaalad abuur uu ku doonayo in uu khalkhal geliyo nabadda Puntland iyo iska hor keenidda shacabka ku dhaqan Puntland.
Maamulka Puntland ayaa sidoo kale ku eedeeyay Cadde Muuse inuu mas’uul ka yahay gadood ciidan iyo jidgooyooyin dhowaan la dhigtay meelo ka mid ah Bari iyo Karkaar, sidoo kalena uu ka soo hor jeedo siyaasadda hannaanka xisbiyada badan.
Maamulka ayaa u jeediyay Cadde in uusan dib ugu noqon xilligii dagaal-oogayaasha, wuxuuna uga digay inuu qaadi doono mas’uuliyadda natiijada falalka uu ku howlan yahay.
Eedeynta ka timid dhinaca maamul gobolleedka Puntland ayaa ku soo beegantay xili kol hore Jen Cadde Muuse uu ku eedeeyay maamulka uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole in uu colaad ka dhax abuurayo bulshada ku dhaqan deegaannada Puntland, sidoo kalana waxaa uu qaadacay Cadde Muuse halka sano oo uu maamulka ku darsaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com