Japan Oo Martigelinaysa Shir Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

0

japanYokohoma (AGGM): Shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya oo ay si wada-jir ah u qaban-qaabinayaan dowladaha Japan, Soomaaliya iyo ururka Midowga Afrika ayaa la filayaa in maalinta Jimcaha ah ee soo socota uu ka dhaco magaalada Yokohoma ee dalka Japan.

Shirka oo dhacaya maalin ka hor furitaanka rasmiga ah ee Shirka Tokyo ee Caalamiga ah ee looga hadlayo horumarinta Afrika {TICAD} ayaa la filayaa in looga hadlo kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, xasilloonida iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzō Abe ay lagu wadaa inay shirkaas wada-guddoomiyaan, iyadoo sidoo kale shaqo abuurista iyo kobcinta fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada laysla soo qaadi doono inta uu shirka socdo, shirka ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan madax Afrikaan ah, wasiirro ka tirsan dowladaha deeqda bixiya iyo madax ka socota ururro iyo hay’ado caalami ah, waxaanu qeyb ka yahay shirka TICAD ee horumarinta Afrika.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi  shirka jimacaha ayaa ayaa xiriir la leh  shirkii London ee arrimaha Soomaaliya ee la qabtay 7-dii bishan May iyo shir kale oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo Midowga Yurub uu bisha September qabanayo,shirka Caalamiga ah ee Tokyo ee Horumarinta Afrika {TICAD}, waa shir shantii sanaba mar la qabto, waxaana si wada-jir ah u qaban-qaabiya dowladda Japan, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Bankiga Adduunka.

Dhinaca kale dowladda soomaaliya ayaa ku sigatay inay shirkaasi qaadacdo gabi ahaanba oo ay diido ka qeybgalkiisa kadib markii sida la sheegay shirkaasi oo ay marti galineyso dowladda japan ay u soo dirtay dowladda soomaaliya warqado ay casuumaad ahaan ugu tagayaan shirka iyadoo dooneysay in  bedelka baasaboorka soomaaliya ay madaxda soomaalida ee shirkaasi ka qeybgalaya ay qaataan warqado ay dowladda japan u soo diro,taas oo ka dhigeysa inaysan aqoon samneyn baasaboorka soomaaliya ,hase ahaatee ay madaxda dowladda soomaaliya taasi gaashaanka ku dhufteen ,iyagoo sheegay inaysan ka qeybgaleyn shirkaasi haddii aan baasaboorka soomaaliya la aqoonsan,taas oo keentay in dowladda japan ay bedesho mowqifkeeda ayna ogolaato in viso lagu dhifto wafdiga soomaalida basaportiga cusub ee E-pasaporti

24ka saac ee soo socda ayaa lagu wadaa in wafdi balaaran oo kasocda dowladda soomaaliya ay u Ambabaxaan dalka japan halkaasi oo ay uga qeybgalayaan shirka jimacaha ka furmaya magaalada Yokohama ee dalka Japan,kaas oo si gaar ah looga hadlayo hurumarinta soomaaliya ,iyadoo kadibna ay wafdigaasi ka qeybgali doonaan shirka Shirka Caalamiga ah ee Tokyo ee Horumarinta Afrika (TICAD),

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com