Boolo Xooftadi Xalay Ee Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Iyo Ciidamada Dowladda Oo Aan Wax Jawaab Ah Ka Bixin.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay laga maqlayay gudaha magaalada daryanka hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ridayeen maleeshiyaadka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xilli inta badan ay wada jiifeen dadka rayidka ah ee reer Kismaayo ayaa waxaa Magaalada Kismaayo laga maqlayay dhawaqa rasaasta oo la sheegay inay ridayeen maleeshiyaadka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa haba yaraato’e wax jawaab ah ka bixin Rasaasta ay ridayeen maleeshiyaadka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda isagoo ku sugan gudaha magaalada u waramay warbaahinta Allgalgaduud media ayaa waxa uu sheegay in Rasaasta ay ahayd boolo xoofteen ays ameenayeen maleeshiyada Raaskambooni, sarkaalka ayaa waxa kale oo uu sheegay inaysan ahayn arintan mid ku xusub balse ay tahay midey horey u arkli jireen.

Isku soo wada duuboo dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa waxay hadal hayaan saaka daryanka sawaxanka hubka ay ridayeen maleeshiyada Raaskambooni, iyagoo la yaaban cidda ay la dirirayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com