QM Oo Ku Gacan Seeyrtay Dalabkii Kenya Ee Ahaa In Dacwadda Loo Heeysto Madaxweynaha Dalkaasi La Soo Afjaro.

0

golaha-amaankaNew York (AGGM): Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku gacan sayray dalabkii dowlada Kenya ee ahaa in maxkamada ICC ay  soo afjarto kiiska ka dhanka ah madaxwayne Kenyatta iyo xigeenkiisa wilyam Ruto, 9 ka mid ah 15 wadan ee xubnaha ka ah golaha amaanka ee QM ayaa ku gacan sayray dalabka Wakiilka kenya ee QM Mashaariya kamau ee ah in la joojiyo gabi ahaanba dacwada loo heysto  madaxweynaha dalka kenya iyo ku xigeenkiisa.

Qaar ka mid madaxdii ka qayb gashay kulanka uu yeeshay golaha Ammaanka ee qaramada midoobay  oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxa ay sheegeen in 3 ka mid ah wadamada xubnaha joogtada ka ah ay ku gacan sayreen dalabka Kenya .kuwaas oo kala ah Wadamada maraykanka ,Biriten iyo faransiiska  waxaana la sheegay in ay si wayn uga soo horjeesteen codsiga ah in maxkamada dambiyada dagaalku ay joojiso dacwadda ay ku waddo madaxda dalka Kenya oo dacwad ka dhan ahi ay taallo maxkamadda dambiyada dagaalku.

Wadamada Ruushka iyo shiinaha oo iyaguna ka mid ah xubnaha joogtada ee golaha amaanka ee QM ayaa la sheegay in ay taageeren codsiga dalka Kenya halka Dhamaan wadamada Africanka ee xilligan ku jira 15 xubnood ee golaha amaanka ee QM ay iyana taageereen  dalabka Kenya ee ah in la joojiyo dacwadda ka dhanka ah madaxweynaha dalkaasi iyo ku xigeenkiisa, wadamada Togo, Morooko iyo Rwanda ayaa u codeeyay codsiga Kenya waxa ayna muujiyeen wadamadani africanka ah muhimada ay leedahay in shaqsiyaada Kenyaanka ah ee dacwadda loo heysto lagu maxkamadeeyo gudaha Kenya .

Wadanka azarbajaan oo horay uga mid ahaan jiray midowga Soofiyeeti ayaa iyaguna taageeray codsiga Kenya iyaga oo muujiyay in marka la eego sidii nabada ee ay u dhacday doorashadii 4march ay taasi muujinayso in ay kenya awoodo xalinta mushkiladaheeda, dowlada ruushka ayaa dhankeeda ku dooday in maxkamadaynta hogaamiyayaasha kenya ay qatar ku tahay amaanka iyo nabada caalamkahalka Wadamada kale ee diiday codsiga Kenya ay ka mid yihiin dalka Arjantiin, Guatemala Ausralia iyo Kuuriya.

Dhinaca kale Maxkamadda dambiyada dagaalka Caalamka ee fadhigeedo yahay Heeg ayaa si wayn ugu gacan sayrtay go’aankii madaxda midowga afrika ee ku aadana in la joojiyo gabi ahaan dacwadda loo heysto Uhuru kenyata  ,iyo ku xigeenkiisa  willium Ruto oo ay maxkamadda faraha ka qaado, isku dubaridaha Howlaha Maxkamadda ICC-da  Maariya kamaar ayaa sheegtay in go’aanka  midowga afrika in uu yahay mid siyaasadeed islamarkaana dacwadda loo heysto madaxweynaha Kenya uhuru  kenyatta ,Rutto iyo Sang uu sii socon doono.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com