War Deg Deg Ah: Jeneraal Saxardiid Oo Lagu Amray Inuu Ciidamada Soo Wareejiyo

0

Jeneral Ismaaciil SaxardiidKismaayo(AGGM) Weftiga dawlada federaalka ee Soomaaliya oo maanta kormeer ku tagey farisiimaha ciidamada dawlada soomaaliya ku leeyihiin magaalada Kismaayo ayaa la sheegey inay ciidamadaasi saraakiishooda la kulmeen isla markaasna kala hadleen baahida ciidamada dawladdu u baahan yihiin xilligan,waxaana la sheegey inay is afgarteen dhamaan taliyeyaasha ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan magaalada kismaayo.

Dhinaca kale Taliyihin hore ee ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubooyinka Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa lagu amray inuu ciidamada dawladda ee uu gacanta ku hayo ku soo wareejiyo ciidamada taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Jeneraal Saalax Makome oo dhawaan xilkaasi dawlada federaalka ah ee soomaaliya u soo magacawdey,waxaana la sheegey in lagu wargeliyey inuu dhamaan wixii agab ah ee dawlada iyo ciidamada xoogu leeyihiin ku soo wareejiyo sarkaalkaas cusub ee xilkaasi loo magacaabay.

Waxaana la sheegaya inuu Jeneraal Ismaaciil Saxardiid arrintaasi sheegey inuu wareejinayo hadii dawladu siiso kharashaad yar oo kaga baxay ciidamada dawladda ee uu gacanta ku hayo isagoo xusay in lagu leeyahay lacag shidaal iyo raashiin uu ciidamada dawladu u qaaday intii uu xilkaasi hayey.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in Axmed Madoobe iyo kooxdiisu ay Jeneraal Ismaaciil Saxaradiid kula taliyeen inuusan ciidamadasi dawlada soomaaliya ku wareejin isla markaasna uu dhinacooda ku soo wareejiyo maadama ay isku hayb yiihiin,waxaana la sheegey inuu arrintaasi Jeneraal Saxardiid ka soo tashanayo labada dhinac dhinicii uu raaci lahaa  dawlada iyo Raaskambooni oo u muuqata in waqtigoodii gobollada jubooyinku dhamaad sii yahay.

Waxaana lagu wadaa in xilkii u u hayey dawlada soomaaliya ee ahaa Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubooyinka ku wareejiyo Jeneraal Saalax Makome oo dawladu xilkaasi u magacawday isla markaasna hadda ku sugan magaalada kismaayo oo ay ka amar qaadanayaan ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan gobollada Jubooyinka,waxaana lagu wadaa in munaasabadaasi dhawaan ka dhacdo magaalada kismaayo.

Ugu dambeyntii waxaan la ogaan karin in Jeneraal Saxardiid ciidamada ku haybta oo tiradoodu dhan tahay 120 askari uu ku soo wareenjin doono taliska ciidamada xooga dalka ee gobollada Jubooyinka gaar ahaan magaalada kismaayo saldhigoodu yahay,waxaana lagu wadaa in ciidamadaasi ku soo biiri doonaan ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan magaalada kismaayo isla markaasna ka amar qaadan doona  Taliyaha Cusub ee gobollada Jubooyinka Jeneraal Saalax Makome.

Wararka Arrimahaasi ka Soo Kordha Kala Soco Allgalgaduud.

Isha Ku Hay Allgaduud

Allgalgaduud@gmail.com