Dabley Hubeysan Oo Qoys Ka Kooban Aabe, Hooyo Iyo Labo Caruur Ah Ao Ay Dhaleen Ku Dillay Deegaan Ku Dhaw Gaalkacyo.

0

bastooladGaalkacyo (AGGM): Kooxo dabley ah ayaa lagu waramayaa in deegan ku dhaw magaalada Gaalkacyo qoys ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo caruur ah ay dhaleen kadib markii ay markii ay ku weerareen hoygooda, waxaana weerarkaasi sidoo kale uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wiil 14 sano jir ah oo qoyska ka tirsanaa.

Weerarka oo siweyn ay uga naxeen dadka ku dhaqan deegaanka uu dilka ka dhacay guud ahaan marka la eego gobollka Mudug ayaa la sheegay in uu salka ku hayo aano qabiil ama dilal horay u dhaxmaray beello wada daga goobta uu falka ka dhacay.

Sidoo kale, dableyda weerarka ku dishay qoyska xoola dhaqatada ah ayaa la sheegay in ay horay u kaxeysteen oo dhaceen xoolihii ay dhaqanayeen qoyskaas, iyaga oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn halka ay la tageen.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo uu maamulka gobollka Mudug ka soo saaray dhacdadan oo ah mid siweyn uga yaabisay dadka ku dhaqan gobollka Mudug.

Inta badan marka la eego falalka dilalka ah ee  ku saleysan qabiilk ah ayaa mid ku badan bulshada Soomaalida, laakiin arrinta ayaa ku noqotay dhagasha shacabka Soomaaliyeed wax ku cusub, gaar ahaan in qoys dhan oo ay caruur ku jiraan loo dillo aano Qabiil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com