Waxgaradka Kismaayo Oo Soo Dhaweeyey Go,aamadii IGAD Ka Soo Saareen Xaalada Kismaayo

0

odayaalKismaayo(AGGM) Waxgaradka  ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa si aad ah  u soo dhaweeyey go’aannadii dhawaan ka soo baxay shir madaxeedkii Madaxdki urur goboleedka IGAD ee la xiriiray in Dowladda Federaalka ay qabato shir maamul loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka.

Suldaan Aadan Maxamed oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Jubbooyinka oo isagoo ku sugan magaalada Kismaayo la hadlay Radio Muqdisho ayaa si diiran usoo dhaweeyay go’aanka IGAD iyo dadaalada dowlada ee ku aadan maamul u sameynta gobolada dalka.

Suldaan Aadan Maxamed ‘’Aad iyo aadban ayaan usoo dhaweyneynaa go’aamka IGAD iyo in dowladu qabato shir maamul looga sameynayo gobolada Jubbooyinka, ninki dowlada diidana wax kale ayu damacsanyahay,  haadaan nahay odayaasha dhaqanka aad iyo aadan ula dhacsanahay siyaasada dowlada’’  .

Dhanka kale wuxuu xaq daro ku tilmaamay maamulada looga dhawaaqay magaalada Kismaayo,  isagoo carrabka ku adkeeyay in lagama maarmaan ay tahay in dhismaha maamulada dalka looga dambeeyo dowlada maadaama aynu ka baxnay nidaamki KMG ahaa.Waxaana waxgaradku sheegeen inay muhimadu tahay in dawlada maamullada la dhisayo looga dambeeyo.

Waxaa kale oo waxgaradku baaq u direen dawlada soomaaliya isla markaasna ugu baaqeen inay deg deg loo hirgaliyo dib u heshiisiin loo sameeyo shacabka ku nool gobollada jubooyinka,waxaana ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin dawlada federaalku hormuud u inay hogaanka u qabato wax kasta oo laga hirgelinayo gobollada dalka soomaaliya.

Gebagabadii waxaa waxgaradka magaalada kismaayo ku nool sheegeen inay u baahan yihiin nabad iyo horumar isla markaasna ay ka digayaan iska hor imaadyo dhex mara kooxaha isku haya siyaasadda magaalada kismaayo,waxaana ay ugu baaqeen in dhinacyada ku loolamaya kismaayo ka wada hadlaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa.

Samsam Cabdi Yuusuf

Kismayo,Jubadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com