R/wasaare Saacid Oo Lagu Amaanay Doorka Xukuumaddiisa Ee Difaacida Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

0

SHIR1Addis Ababa (AGGM): Shir looga hadlayay Ammaanka Saxaafadda Soomaaliya oo ka soconayay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la soo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray  qodobo xasaasi ah oo quseeya Saxaafadda Soomaaliya.

Shirkaan oo soconayay 22kii ilaa iyo 24kii bishan ayaa waxaa ka soo qeyb galay saxafiyiin ka yimid dalal ay kamid yihiin Ethiopia, Kenya, Djibouti, Sudaan, Rwanda, Burundi, Ugaanda iyo Soomaaliya.

Qodobadii ka soo baxay shirkaasi ayaa waxaa ugu muhiim sanaa in la soo dhaweeyay dowrka dowladda Soomaaliya ay ka qaadaneyso ilaalinta iyo ka hortagida dhibaatooyinka Suxufiyiinta Soomaaliyeed loo geysanayo.

Sidoo kale waxaa lagu soo dhaweeyay balanqaadkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Farax Shirdoon Saacid ee ahaa in dowladda Soomaaliya ay Abaal marin ahaan u siineyso 50-kun oo doolar cidii keentaa kiis xaqiiqa ah oo ku saabsan dilalka wariyayaasha.

Qodobadii ka soo baxay shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu canbaareeyay dilalka wariyayasha iyo xadgudubyada kale ee loogu geysanayo qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa sidoo kale la xoojiyay muhiimada ay saxaafad xor ah u leedahay in si buuxda loo xaqiijiyo xuquuqul Insaanka, xuriyada hadlka, Dimoqoraadiyada iyo ku dhaqan galinta sharciga iyo kala danbeynta.

Saadaq Maxamuud Cali
Addis Ababa, Ethiopia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com