Maamulka Degmada Caabudwaaq Oo Wareejiyey Gacan Ku Dhiigleyaal Dil Ka Geystey Galaadi

0

beebeCaabudwaaq(AGGM) Maamulka dawlada federaalka ee degmada Caabudwaaq ayaa saaka si rasmi ah xaduudka soomaaliya iyo itoobiya ku wareejiyey 5 ruux oo gacan ku dhiigleyaal ahaa kuwaasi oo dil u geystey Odayaal dhaqameeydo ka soo jeeda Ismaamulka degaanka soomaaliya ee Itoobiya.

Gacan ku dhiigleyaashan ayaa lagu wareejiyey waxagarad ka soo jeeda degmada Galaadi ee degaanka soomaalida Itoobiya,waxaana ay Maamulka degmada Caabudwaaq iyo waxgaradka degaanka Galaadi ka wada hadleen sidii amaanka labada xaduudood loo xoojin lahaa isla markaasna labada dhinac iskaga kaashan lahayeen sidii ay u soo qaban lahayeen dadka dhibaatooyinka ka geysta labada dhinac isla markaasna soo baxsada.

Masuul u hadlay waxgaradka iyo maamulka degmada Galaadi ayaa mahadnaq u jeediyey maamulka degmada Caabudwaaq,waxaana uu ku amaanay sida wanaagsan ee ay gacanta ugu soo dhigeen dadka dilkaasi fuliyey,waxaana ay sheegeen inay ku kala hagoogteen dhiiga dad walaalo ah oo ku nool degmada Galaadi.

Maamulak Degmada Caabudwaaq waxay waxgaradka degmada Galaadi ku wareejiyeen 5 nin oo gacan ku dhiileyaal ahaa isla markaasna ku hubeysnaa laba qori oo Ak47 iyo laba tooriyood,waxaana ay sheegeen in dhaman dadkaasi ka soo talaabeen gudaha itoobiya isla markaasna ku dhumaalaysanayeen degmada Caabudwaaq.

Gebagabadii waxaa talaabadan soo dhaweyey dadka ku dhaqan degmooyinka Caabudwaaq iyo Galaadi oo sheegey inay amaanka labada degaan noqonayo mid laysku haleyn karo hadii labada shacab iyo labada maamul si wanaagsan u shaqeeyaan,waxaana ay mahadnaqeen dhamaan cid kasta oo gacan ka geysatey gacan ku dhiigleyaashaas.

Mohamed Abdi Haruun

Caabudwaaq,Galgaduud

Iska Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com