Kismaayo Iyo Muranka Ka Taagan Waa Mid Noocee Ah, Xalkuse Maxuu Yahay? W/Q. Dr. Daahir Nuur Jaamac (Dr. Truman).

0
kisimaKismaayo waa magaala madaxda Gobolka Jubbada hoose,waana magaalo xeebeed ku caan ah kheyraadka dhinac kastaba waxaayna ku tallaa koofurta soomaaliya. Si kastaba maxaa keeney muranka siyaasadeed, arrintu ma ahan Gobolada Jubbooyinka” soomaalidu waxaay tiraahdaa orgiga boohintu ka weyn” sida aan aaminsanahay Kismaayo waa magaalo soomaaliyeed ama dhul soomaaliyeed kamana duwana gobolada kale ee soomaaliya,  sidaaa awgeed ma ahan in cid gooni ah isa siiso sidii hanti gaar ah oo ay iska leedahay waana qalad weyn dadka sidaa aaminsan.Soomaaliya waxaa ka jira dowlad rasmi ah,waxaayna sharciyad ka heysataa dhammaan shacabka soomaaliyeed waayo soomaaliya waxaa ka jira  hey`adihii dastuuriga ahaa tusaale Baarlamaanka,xukuumadda( qeybta fulinta,madaxwyne) iyo garsoorka,maadama Baarlamaanku yahay mid ka wada yimid beelaha soomaaliyeed oo dhan isla markaana uu yahay Aabihii ama Hooyadii ay ka abuurmeen hey`adaha kale,sidaa awgeed sharciyan iyo caqliyanba ma ahan in dhabarka loo jeediyo, ciddii u aragta in wax ka maqan yihiin waxaay leedahay xildhimaano matala waayo xildhimaanku wuxuu matalaa qaranka marna degaanka laga soo doortay,laakiin annaga hadda waxaa soo xushay beeshiisa ama qabiilkiisa ee si kale kuma imaan taas laftiiga waa in xildhimaan kastaba sidaa ogaadaa waana habka uu ku yimid ma ahan mid ku yimid doorasho” one man one vote”.

Arrinta Kismaayo,ma ahan mid ka duwan gobolada kale ee soomaaliya waxaana ka masuul ah dowladda dhexe ee soomaaliya waayo iyadaa hoggaamisa siyaasadda dalka mana ahan iney cid gaar ah ama koox gaar ah ama qabiil gaar ah marti uga noqoto hoggaanka dalka waayo dastuurka ayaa siiyey sharciyadaas waana mid muran ma doonto ah. Maamulk kasta oo soomaaliya ka abuurna magacii uu doono ha loo bixiyo waa in kaalinta ay  dowladdu ku leedahay “muran la gelin”.Dadka soomaalida ah waa iney fahmaan nadaamka dowladeed iyo sharciyadda uu ku shaqeeyo. Dhibaatada ugu weyn ee soomaaliya ka jirta waxaa waaye dad badan oo isku sheega iney yihiin siyaasiin,aqoon yahanno dhinac kastaba ha noqotee oo aan garaneyn” Nadaamka loo calmaday soomaaliya iney ku dhaqanto ee ah Federalismka” waayo waxaayba u fahmeen iney arrintu tahay waxaad doonto samee,waxaayna taas keentay xattaa iney dowladdii soomaaliyeed lagaga kalsoonaado dowlado kale in xattaa loo arko iney aqoonsi siin karaan dowlado kale!.

Dowladdu waa midda sharciyadda siineysa maamul kasta oo sameysma mana ahan in dowladdu dadka hoggaaminaya maamuladaas ay iyadu u magacaabayso dadka ayaa dooranaya cidda ay doonayaan waxaana lagama maarmaan ah inuu jiraa sharcigii wax lagu dooran lahaa waayo waa sharciga waxa kala haga bulsho kasta oo degaan ku nool heer kastaba ha noqotee.Waana inuu jiraa sharcigii doorashada”Electoral law” Sida muuqata dadku waxaay u fahmeen in haddii nadaamka dowladdu yahay federal isla markaana dastuurka federalka ah qorayo waxaa is raaci kara laba gobol iyo wixii ka badan, laakiin sida aan og nahay dastuurku waa sharciga aasaasi ah isla markaana sharuucda kale asaga ayey ka abuurmaa,sharci kasta oo ka soo horjeeda dastuurka ma noqon karo sharci,sidaa awgeed waa inaan u fahannaa in loo baahan yahay sharcigii lagu maamuli lahaa maamul goboleedka ama maamul dowladeedka abuurmaya,waayo dastuurku waa qodobo si guud wax u tilmaama tusaale “xaquuqda muwaadinku leeyahay iyo waajibaadka lagu leeyahay” marka dastuurku qeexo waxaa loo baahan yahay in sharciga laga soo saaro tilmaamaya xaquuqahaas sidaa awgeed maamulka la sameynayo ma ahan “arrin ku filan dastuurkaa qoraya sidaa”.

Marka laga hadlaayo sharciga madeniga ah” qofku wuxuu u qeybsamaa laba qeybood” Qof dabeeci ah iyo Qof qaynuuni ah,tusaale qofka dabeeciga ah waa mid kasta oo naga mid ah sida Cali,Cabdi iyo Ceebla IWM, waxaa jira wax la yiraahdo ‘Qofka Qaynuuniga ah” waana sida heyad ama company, urur, dowlad, maamul goboleed, haddana qofka qaynuuniga ah ayaa u kala baxa qof qaynuuni ah wadani ah”National Juridic Person=Persoane Juridica Nationale”sidaa awgeed qofka qaynuuniga ah marka uu dhalanayo wuxuu u baahan yahay process uu maro si sharciyadda aqoonsiga u helo,si uu ku helana waa inuu buuxiyaa sharuudihii lagu aqoonsan lahaa,tusaale haddii shaqsi ama shaqsiyaad isku biirsaday iney furtaan warshad wax soo saaraysa waa in ay caddahay ujeedka warshadda waayo haddii ay warshaddu tahay mid soo saaraysa waxyaabo aan dan ugu jirin dadka degaanka ama ay soo saarayso waxyaabo helis ku ah dadka degaanka noloshooda sidaa awgeed ayaa loogu baahday in qofkii qaynuuniga ahaa la sharciyeeyo marka uu sharuudihii buuxiyana la siiyo aqoonsi iyo xaquuq uu yeesho.
Sidaa awgeed ayuu qofkii qaynuuniga ahaa u yeelanayaa “xaquuq uu leeyahay iyo waajibaad lagu leeyahay” sida qofka dabeeciga ah”Natural Person= Persoane Physica”.Marka waxaa wanaagsan in fudeydka iyo qar iska tuurka la joojiyo soomaalidu waxaay ku maahmaahdaa”nin aan kuu furi dooneyn yuusan kuu rarin” waa in soomaalidu is aamintaa iskuna kalsoonaantaa si looga baxo dhibaatada foosha xun iyo dullinimada waqtiga dheer soo jiitameysay.

Waa in la Joojiyaa Qabyaaladda cad ee meel walba gudaha iyo dibeddaba lala taagan yahay, qabiil qaran ma noqdo, qabyaaladna qaran ma dhisto laakiin”Qarannimada ayey dumeysaa” waxaan leeyahay ha la barto nadaamka dowliga ah iyo sharuucdaba yaan buuro dhaadheer oo aan laga soo degi karin wax laga dooneyn waxaana wanaagsan in la arko dhinaca uu wanaaggu ku jiro, annagoo aan meel kale aadin waxaa nagu filan habka ay u nool yihiin dowladaha dariskeena ah isla markaana aan wada og nahay inaan waqti aad iyo aad uga qurux badneyn,laakiin maantay annagaa ka fool xun 80% waayo dadkeenii,dalkeenii iyo diinteenii waxaan ku sameynay maal gelin sidii aan ku burburin laheyn.

Qofka wanaagsan waxaa looga daydaa wanaagga tusaale markii  is caleemo saaray” Axmed Madoobe” iskuna magaacaabay inuu yahay madaxweynaha”Jubbaland waxaa meelo badan taageero looga soo diray meelo kala duwan taageeradaas oo aheyd caadifad qabiil iyo qabyaalad isla markaana la doonayey in lagu curyaamiyo dowladda dhexe ee soomaaliya maantay ka jirta, tusaale Cabdi Ileey ahna ninka hor booda kilanka shanaad soomaalida Itoobiya markii uu si cad u yiri waxaan taageero la garab taagan nahay AXmed Madoobe,waxaa arrintaas ka jawaabay wasiirka arrimaha gudaha ee Itoobiya si xunna u canaantay Cabdi Ileey inuu faraha kala baxo arrimaha soomaaliya ayna tahay shaqo ay leedahay wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya,taas waxaan ula jeedaa ma laga yabaa in soomaalidu cashar ka qaadato arrintaas iyada ah gaar ahaan arrimaha ku saabsan nadaamka federalka ah iyo ku dhaqankiisa iney maamulada hadda ka jira gudaha soomaaliya ay u arkaan iney hoos yimaadaan wasiirka arrimaha gudaha ee soomaaliya iyo ineysan maamulada gudaha soomaaliya ka jira aysan shaqo ku laheyn arrimaha quseeya arrimaha dibedda.

Dhibaatada ugu weyna waxaay ka imaaneysaa dastuurka hadda jira qodobbo badan oo ku jira ay yihiin kuwa aan wanaagsaneyn oo abuuraya jahawareer weyn oo marka aad akhriso isku qasaya xaquuqda ay leedahay dowladda dhexe iyo dowladaha abuurmaya ee hoos imaanaya dowladda dhexe.

Isku soo wada duub waa in sida uu sharcigu qabo ama dhigayo looga dambeeyaa dowladda dhexe arrimaha ku saabsan sameynta maamul goboleedka,sida aan aaminsanahayba waqtiga la joogo soomaaliya kama jiro maamul goboleed buuxiyey sharuudihii uu ku noqon lahaa maamul goboleed buuxa waayo kuwa hadda isku arka iney yihiin maamul goboleed jira ayaa waxaa ku furan muran dhuleed” Territorail Conflict” oo maamulo kale baa ka dhinac abuurmay wayna iska soo horjeedaan weliba qaab qabyaaladeed bay iskaga soo horjeedaan,waxaana sharciyan ah marka maamul goboleed la aqoonsanayo inuu ka nadiif yahay muran dhuleed”Territirial Conflict” sidaa awgeed ayeysan u jirin maamul buuxiyey sharuudihii uu ku noqon lahaa dowlad goboleed jira.
 WQ: BY Dr Dahir Nur Jama  ( Dr. Truman)

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com