Alshabaab Oo Madaafiic Ku Tuurey Magaalada Garbahaarey

0

madaafiicKismaayo(AGGM) Falaagadda Alshabaab ayaa la shaacinayaa inay caawa bacda salaadii maqrib madaafiic dhawr ah ku tuureen gudaha magaalada garbaaharey ee xarunta gobolka Gedo,waxaana la sheegey inay madaafiicdaasi ahayd mid ay ka soo tuurayeen duleedka magaalada garbahaaray.

Madaafiicdan ayaa ku soo hoobatey Xarunta WFP ee magaalada Garbahaarey xilli lagu jiray gudashada salaada maqrib,waxaana la sheegayaa inaysan madaafiicdaasi wax khasaare ah geysan,waxaana wararku sheegayaan in ciidamada dawladu ay jawaab ka bixiyeen madaafiicdaasi.

Ciidamada dawlada ee gobolka gedo ayaa la sheegey inay u dhaqaaqeen degaanka madaafiicda laga soo tuureyey walow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii madaafiicdaasi soo tuurey,waxaana la sheegaya in ciidamada dawladu raad qaadeen dadkii madaafiicdaasi ku soo wareeray magaalada garbahaarey.

Goob jooge ku sugan Garbahaarey oo khadka telefoonka kula hadlay warbaahinta Allgalgaduud ayaa daboolka ka qaaday inaysan wax khasaare bini aadam ah oo ka dhashay weerarkaasi uusan jirin,waxaana wararku sheegayaan in xarunta WFP  uu soo gaarey burbur aan sidaasi u baahsaneyn.

Gebagabadii weerarkan ayaa qayb ka ah weerarada alshabab ka fulinayaan gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Kismaayo & garbaharey,waxaana ay meelo fog fog ka soo tuuraan madaafiicda loo yaqaan qoriga hoobiyaha isla  markaasna ay ka baxsadaan goobtaasi.

Samsam Cabdi Yuusuf

Kismaayo,Jubadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com