Maqaal Xiiso Badan: Reer Khatumo Mihiimadooda Kobaad Ma Kismanyaa Mise Laaskii Biyaha Diiranaa.

0

MaqaalBismilaah, aniga oo aan jeclayn in aan wax kaqoro arinkan aan soo ban dhigi doono, ayaa waxaan uga fursan wayay madaama oo ay soo noq noqotay ka hadlkeedu iyo saxaafada reer Khaatumo oo aad moodo beryahan in ay aad ugu mashquuleen qadiyada reer Jubaland.

Waxaa hubaal ah in ay qadiyada Jubaland ay taagantahay, dadbadab oo soomaaliyeed iyo kuwo aan Soomaali ahayniba aay wakhtigan ku mashquulsan yihiin ayna mudan tahay in laga hadlo, ama wax laga qoro, ama feker iyo rabitaan shaqsi ha noqoto amaba xaqaaqida dhabta ah ee meesha ka jira ha ahaatee.

Dadka iyo saxaafada dhulbahantena kuwaas ayuun bay la mid yihiin wax lala yaabana maaha marka sidaas loo dhigo oo qofkastaaba aqoontiisa uun buu ka qorayaa ama ka hadlaa.

Lakin waxaa igu kelifay qormadaan, layaab na ah, aniga oo ka soo jeeda maamulka khaatumo state of soomaaliya, ina warbaahin teenu, aad moodo in ay beryahan danbe inay qormadooda koobaad tan laabaad iyo sadexaadba ay tahay jubaland ama kismaanyo oo weliba ay u xaglinayaan dhinac, macnuhu maaha inan leyahay dhinacaas baa qaldan ama saxan ee macnuhu waxaa weeyey Somali manta ku jirta xaaladeena mid ka xumi ma jirtee ma mudan tahay in aynaan waqti badan  iska gelin oon aheyn in wixii news ama war ah laga qoro?.

Madaama ay soomaalida gobolkaas Jubaland yihiin dad is ah, is yaqaan, wadadega, walaalo ah, colaad qabiilna aanan anigu ku ogayn ee colaad siyaasadeed iyo xukun kala riixasho uun ayisku hayaan, ayna weliba ka midaysan yhihiin midnimada iyo jiritaanka wadanka iyo calanka soomaaliyeed aanan aaminsanahay in khilaafkoodu dhamaanayo hadii laga daayo gacan togaaleynta geeso badan kaga furan.

Hadii uu arinku yahay mucaaradad ku aadan dowlda Xasan sheekh, oo aan sidii aynu ugu lisnay aan inoogu hanbayn ama aan waxbaba inagu tixgelin oo aynu leenahay wixii dowladaas ka soo horjeedaba waan taageeraynaa waa macne, waxaanse odhan lahaa aynu u kaadino maadaama oo markuu London yimi uu Madaxwaynuhu qirtay qaldadkiisa kuna balan qaaday in uu saxayo welina laga sugaayo.

Hadiise uu arinku yahay qabiilinimo daaroordaysan, darood Puntland baa inoogu dhow oo saynu uga baxnay waad ka dheregsantihiin, qaarkale oo inooga si sheeya na daaba hadkooda, runtii dadkale oo aa Somali uunaan wadaagno ayaa inooga wax tarbadnaa taageero af iyo adin bal eh.

Markaa ceeb iyo wax lagu qoslo miyaysan ahayn in aynu inagu maanta daarood u doodno iyadoo laaskii maanta 6 sano gacanteena ka maqan yahay daroodna ilaa iyo hadda aynaan hayn.

Hadii uu arinku yahay inaga lafteena dadbadan oo khaatumo kasoo jeeda ayaa degan Jubaland, waxay ila tahay iyagaaba qoladeena nugaaleed ka ayatiin wacan oo dad badan oo somalieyeed oo calanka iyo ciida ogol bay wada degaan wax na wadaagaan  hal tuulana lagama haysto oo looguma caga jugleeyo dumarkoodana cidi mandheeroo kale uma dhaadhiciso, waxay xaq u leeyihiina waxay ila tahay inaysan waayeen waa inta aan ka ogahay eh.

Waxaan ku soo gunaanadayaa dulucdan ka tirsan gabaygii Cali Dhuux.

“Dufaf qurux san leeyeey ma foga dalawadiiniiye, isagoo dil dilii bisha iyo dacashii haaneedle oo wada dunuu nuca hayoo idin dul joogaaye, dan barkiisu waydiin uraa waadna dabataan”.

Waxaan ku talin lahaa, aynu si dhab ah daacad uga noqono sidii aynu usoo celin lahayn laaskii doonitaanka waxgaradkeenya iyo shacabkeenana ugu talin lahayn iyo midnimo Soomaliyeed.

Salaamulahi calaykum:-

W/Q: Ahmed Mohamud
a_nuh@hotmail.com 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com