Humbaaleynti Iyo Hanjabaadi Horjoogeyaasha Maleeshiyada Raaskambooni Ee TV-yada Xalay Maxaa Ka Dambeeyay?

0

MaqaalWaxaa xalay TV-yada ku baxa afka Soomaaliga laga soo siidaayay oo dadka oo dhan daawadeen Humbaaleeyn iyo Hanjaabaadyo dagaal oo ay jeedinayeen horjoogayaasha Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo kuwa yar yaroo lagu qurxiyay (Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay).

Maxaa Ka dambeeyay Humbaaleeynta iyo Hanjabaadi xalay, waxaa saaka markuu waaga baryay magaalada Kismaayo ka dhacay isku dhac u dhexeeya maleeshiyo beeleedka Raaskambooni isku dhacaas oo ay ku dhinteen 2 ka tirsan maleeshiyada Raaskambooni halka ay ku dhaawacmeen iyaguna 2 kale oo ka tirsan isla maleeshiyadaas.

Haddaba waxaa halkaas kaaga soo baxaya in maleeshiyada Raaskambooni aysan laheen caqli iyo hogaan amaba siyaasad xataa iyaga dhexdooda kala celisa loona baahan yahay in dalka iyo dadka laga qabto.

2013 ninka ku baaqaya waxbaan dili, dagaal baan qaadayaa islamarkaana dowladda Soomaaliya u farabaxsanaya isagoo u cararaya ama miciin ka sugaya Kuukuuyo laga soo aruurshay Kenya, waxaan filayaa in uu ninkaasi yahay mid aan laheen caqli sidaa usii buuran oo uu ku kala garto saxxa iyo qaladka.

Waxaase iila yaab badneed marki aan daawanayay TV-ga laba kamid ahaa Raggii xalay TV-yada ka hadlayay ee Iclaaminayay dagaalka si fiicana markaan u dhageestay anoo kaligeey ah ayaa waxaan isweeydiiyay su’aasha ah, war heedhe nimanka ma MARS baa (Alien) gurmad ciidan ah uga yimid ileen Soomaali waa ay istaqaan’e? anoo ulla jeeda ma weeysan ku quusan intii horey u soo gaartay ama ay geesteen?

Gabagabadi, Nabadu waa sheey qaali ah dad iyo duunyaba u wada baahan yihiin, Nabadaana horumar ayaa lagu gaaraa, haddiise la diido Nabadda loona dhago nuglaan dowladda Soomaaliya iyo Dastuurka dalka u yaal arrintu soo tagi meeyso in xeryahay Qaxootiga laga yiraahdo “shaah iib ah ma doonaysaa” weliba aan u raaciyo luqada maanta ay wax ku fahmaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni taa oo ah sawaaxili (unataka chai kwa ajili ya kuuza).

Xasan Cali Sooyaan
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com