Xaflad Ballaaran Oo Lagu Taageerayay Madaxweyne Barre Aden Shire Oo Xalay Ka Dhacday Dalka Sudan.*Daawo Sawirada*

0

PIC_0023Khartoum (AGGM): Xafladan oo ay si wada jir ah u soo wada qaban qaabiyeen Kulanka Ardayda Jubba Land iyo Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Sudan laguna taageerayay Madaxweeynaha Jubba Land Mudane Korneeyl Barre Aadan Shire “Hiiraale” ayaa waxaa ka soo qeeyb galay boqolaal Dadweeyna ah oo iskugu Jiray Jaaliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha ka dhigta wadanka sudan.

Munaasabadda Taageerada loogu muujinayay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland State Bare Aadan Shire “Hiiraale” oo aheyd mid si aad ah loo soo buux dhaafiyay Hoolka ay ka dhaceysay ayaa dadweeynihii ka qeyb galayay ay kor u laxayeen Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya iyo kan Jubbaland garabka Barre Hiiraale.

Intii ay Munaasabaddu Socotay waxaa qadka Teleefanka Qudbad meela badan taabaneeysa ka Jeediyay Col Barre Aadan Shire “Hiiraale” waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada ay Jaaliyada soomaalida ee Sudan u muujiyeen “ aad baan idinkaga mahad celin hayaa Taageerada iyo kalsoonida aad maamulkeyga u muujiseen, maamulkeygu wuxuu qaadi doono talaabooyin farxad geliya dhamaan dadka reer jubbaland iyo guud ahaan dadkayaga soomaaliyeed, waxaana taageersanahay Dowladda Soomaaliyeed mana yeeleeyno wax ay wadaan Dowlado Shisheeye” sawaxan iyo sacab ayaa hoolka is qabsanayay intii ay socotay kalimada madaxweynaha Jubbaland Bare Hiiraale.

Munaasabadda oo ay ka soo qeeyb galeen Madaxda Midawga Ardayda Soomaaliyeed iyo Madaxda Ururada Midawga Ardayda hoos yimaada ayaa wax kalmado ka jeediyay Xog-hayaha Arimaha Bulshada, Warfaafinta iyo Sports ka Mudane Samiir C/llaahi Maxamed “Rabiile”,  Gudomiyaha Jimciyada Al- Irshaad ee Baraarujita iyo Hanuunita Dhalinyarada Mudane C/wali Xasan Xuseen “Fadiilatuhu” iyo  Xog-hayaha Guud ee Isku Tagga Ardayda Gedo Mudane Axmed-Nuur Aadan “Dalqo” iyo Masuuliyiin kale.

Ugu Dambeeyn  waxaa Munaasabadda ka hadlay Madaxda labada Urur ee soo qaban qaabiyay Munaasabadda Mudane Nuur Cali Shire Gudoomiyaha Golaha Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Sudan iyo C/fitaax C/llaahi Muuse labadunaba waxa ay muujiyeen sida ay u taageer sanyihiin Madaxweynaha Jubba Land Mune Cornel Barre Aadan Shire “Hiiraale”.

xiriiri

PIC_0008

PIC_0010

PIC_0017(1)

PIC_0018

gabdh-300x168

PIC_0019

PIC_0020

PIC_0023

asad-300x168

PIC_0004

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com