Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta isku dhac kooban uu ku dhexmaray magaalada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaan in uu isku dhacan yimid kadib marki horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoowe uu yiri Gudiga Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Saraakiisha sare ee dowladda haka baxaan magaalada Kismaayo taa oo ay si aad ah uga caroodeen ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale waaxaa  maanta ku sugan gudaha magaalada Kismaayo Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Sareeye Guuto  Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho) iyo Abaanduulaha ciidamada XDS Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo ay si aad ah maankooda u sugayaan ciidamada dowladda ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada dawladda ayaa waxa ay maanta gudaha magaalada Kismaayo ka sameeysteen dhoowr fariisimood oo cusub si ay u xaqiijiyaan amaanka guud ee mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo shalay ayay ahayd marki madaxda urur goboleedka IGAD hoosta ka xariiqeen in looga dambeeyno nidaamka mamaul usameeynta iyo hogaanka magaalada Kismaayo dowladda Soomaaliya,arrintaa oo dhabarjab weeyn ku ah horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo jeclaan lahaa intay dowladda Soomaaliya xukumi lahayd Kismaayo inay xukunto dowladda Kenya.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com