War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

0

QaraxGaari  Baydhabo(AGGM) Xarunta Gobolka Bay ee magaalada Baydhabo hadda waxaa ka dhacay qarax aad u xoogan kaasi oo dhawaaqiisa laga maqlayey guud ahaan magaalada baydhabo,waxaana qaraxaasi la sheegey inuu sababay khasaare inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha qaraxaasi sababay.

Qaraxan ayaa la sheegeyaa inuu hadda ka dhacay astaanka gaadiidka looga raaco degaanka Goof gaduud ee gobolka shabeellow,waxaana la sheegayaa inuu qaraxaasi ahaa mid dhulka lagu aasay inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystey.

Wararka horudhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dhaawacyo qaraxaasi sababey hadda la gaarsiiyey isbitaalka magaalada baydhabo inkastoo aan la aqoon tiradda dhabta ah ee qaraxaasi sababey,waxaana qaraxani qayb ka yahay falal amaan darro oo maalmaha ka dhacayey magaalada baydhabo.

Lama oga cidda qaraxaasi fulisay walow inta badan falalka ka dhaca gobolka Bay lagu eedayo Alshabaab oo dhawaan gacan ku haynta magaalada bayadhabo xoog looga saarey,waxaana la aaminsan yahay in qaraxaasi ay iyagu ka dambeeyeen maadama ay falal kala duwan ka geystaan magaalada bayadhabo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Baydhabo,Bay.

Allgalgaduud@gmail.com