Degmada Luuq Oo Dhawaan Guddoomiye Cusub Loo Magacaabay Iyo Degmooyinka Kale Ee Gobolka Gedo Oo Uu Isbedel Kusoo Socdo.

0

canjeexGedo: Kaddib markii bilowgii bishii April ee sanadkaan ay dowladda Federaalka Soomaaliya maamul ku meel gaar ah u sameysay gobolka Gedo, ayaa waxaa muuqata markii ugu horeysay muddo 2 bilood ah in ay dowladda Federaalka maalinba maalinta ka danbeysa ay guulo la taaban karo ka gaarayso dhinacyada maareynta arrimaha dibadda iyo tan gudaha.

Xaqiiqdii wax sahlan ma ahan in guri uu ninkii lahaa duminaayo si sahal ah loo dhiso, balse Rabbi mahadi haka gaadhee, juhdi badan iyo iskaashi ay bulshada Soomaaliyeed ee dal iyo dibad ku sugan intooda badan sameeyeen kaddib, waxaa hadda muuqato inay kasoo reyneyso xaaladda dalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo u hogaansanka awaamiirta dowladda dhexe kasoo baxeyso.

Waa run in ay wali jiraan dad badan oo mudadii dheereyd ee uu dalku dowlad la’aanta ahaa bahaloobay oo ay ka suushay wadaniyaddii, karaamadii iyo qabkii Soomaalinimo, balse, dhanka kalena, waxaa xusid mudan in ay wali jiraan dad aad u badan oo har iyo habeyn diyaar u ah difaacidda dalkooda, diintooda, karaamadooda, iyo sharaftooda.

Gobolka Gedo oo ka mid ah gobolada Soomaaliyeed ee xuduudda la leh dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ah kuwa ugu daran ee ay adag tahay in dib loogu soo dabaalo qiimaha ay leedahay qaranimada iyo u hogaansanka madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kasta oo uu xaal yahayba, wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhowr maalmood ka hor Cabdulaahi Ibraahin Axmed Bare (Kureedow) oo intii mudo ah guddoomiye ka ahaa degmada Luuq ee gobolka Gedo lagu badalay, guddoomiye cusub oo ah Axmed Buule Maxamed (Canjeex) oo qudhiisu muddo dheer guddoomiye kasoo ahaan jiray isla degmada Luuq.

Sidoo kalena, waxaa iyana jirta in Col. Jamaal Xasan Sarey oo horay isugu hayn jiray taliyaha ciidanka booliiska iyo kan ciidanka milatariga gobolka Gedo lagu wargeliyay in uu Col. Black Facaye ku wareejiyo xilka taliyaha ciidanka milatariga, uuna ku ekaado in uu ahaado taliyaha ciidanka booliiska gobolka Gedo oo kaliya.

Isku soo duuboo, isku shaandheyntaan cusub ee ka bilaabatay gobolka Gedo ayaa waxaa la filayaa in ay dhawaan si habsami leh uga dhaqan gasho guud ahaan degmooyinka gobolka Gedo oo dhan.

—————
Maxamed Yuusuf, Nairobi/Kenya.

Source: AOL

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com