Dawladda Oo Hawlgallo Culus Saaka Ka Wada Degmada Buulo Xuubey

0

ciidamada_xooga_dalka_MarkaMuqdisho(AGGM) Ciidamada mileteriga soomaaliya oo kuwa ciidamada Amisom ayaa saaka hawlgallo balaaran kula dhaqaaqay xaafado ka tirsan Degmada Buulo Xuubay gaar ahaan Xaafada Wadajir,waxaana ciidamada is garabsanayaa bilaabeen inay baaraan guryaha xaafadaasi ku yaala isla markaasna guri guri u galaan.

Hawlgalkan saaka ka socda degmada Buulo Xuubay ayaa la sheegey in ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom  ku soo qabqabteen boqolaal dhalinyaro ah kuwaasi oo qaarkood looga shakisan yahay inay falal amaan darro ka wadeen gudaha degmada Buulo Xuubay,waxaana la sheegey in gaadiid shabaqle yaal ah lagu daad gureynayo.

Goob Jooge ku sugan degmada Buulo Xuubay ayaa Allgalgaduud u xaqiijiyey in hawlgalkaasi uu si xawli ah u socdo isla markaasna ay ciidamadu guri guri u galayaan,waxaana uu seegey in guryaha qaarkood laga soo qabqabtey hub kala duwan kuwaasi oo sharci darro ah.

Hawlgalladan ayaa ah kuwo uu Raisalwasaaraha soomaaliya shalay saxafada u sheegey inay soconayaan isla markaasna lagu baacsanayo kooxaha dhibaatada xoogan ka wada gudaha magaalada Muqdisho isagoo xusay in hawlgalkaasi noqon doono mid guri guri loo baaro.

Gebagabadi ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom oo saaka hawlgalkaasi bilaabey ayaan al ogeyn xilliga dhabta ah ee ay soo afmeeri doonaan hawlgalladooda balse waxaa cadaada ah in hawlgalladaasi sii socdaa dhawrka maalmood ooo fooda inagu soo hayo.

Isha Ku Hay Shabakadda Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com