Wasiirada Arrimaha Dibedda IGAD Oo Ka Walaacsan Xaaladda Magaalada Kismaayo.

0

IGAD WasiiroAddis Ababa (AGGM): Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka urur goboleedka IGAD, ayaa ku booriyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay hormuud u noqoto shir dib u heshiisiin oo la isugu keenayo kooxaha isaga soo horjeeda gobolada Jubbooyinka, iyadoo la dajinayo qorshe nabadeed oo ku aadan dhismaha maamul ku meel gaar ah iyo qaabeynta maamul goboleed rasmi ah, dowladaha IGADna ay kaalin taageero ah ka cayarayaan dhismaha maamulada si waafaqsan dastuurka Soomaaliya

Wasiirada arrimaha dibadda, oo maanta kulan hor dhac u ah kulan madaxeedaka madaxda IGAD ay caawa ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa yeeshay, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda magaalada Kismaayo, waxayna ka codsadeen qaybaha Kismaayo ku sugan in ay xasiloonida ilaaliyaan, iyadoo xiisadaha ka jira magaalada ay Qatar galin karaan nabadda iyo daganaanshaha.

Afhayeenka madaxtooyada C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa warbaahinta u sheegay in qodobada ay ka doodeen wasiirada arrimaha dibedda IGAD la horgeyn doono madaxweynayaasha IGAD oo caawa kulan yeelaan doono

Afhayeenka Madaxtooyada, waxa uu sheegay in madaxweynaha uu hor-dhigi doono madaxda IGAD waxyaabaha u qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray amniga.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa beri ka qayb gali doono kulan madaxeedka midowga Africa ee lagu xusayo 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay ururka midowga Africa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com