Shacabka Kiiniya Oo Ku Baaqay In Ciidamadooda Dalka Soomaaliya Laga Soo Saaro Ka Dib Amaan Darro Gudaha Kiiniya Ka Jirta

0

ciidamada-kenya2Nairobi(AGGM) Dadka isugu jire Aqoonyahano,dhallinyaro,ganacsato oo u dhashay wadanka Kiiniya kuwaasi oo ka koobnaa qoomiyadaha wada dega wadankaasi ayaa dawladooda baaq culus u jeediyey isla markaasna ugu baaqey inay dawladoodu ka fiirsato arrimaha soomaaliya ka socda gaar ahaan hawlgalada ay ka wadaan gobollada jubooyinka oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo badan oo wadanka Kiiniya ka socdaa.

Dhamaan xubnaha oo munaasabad weyn ku yeeshay Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kiiniya ayaa maanta shaaciyey in hawlgaladda ciidamada kiiniya ka wadaan dhibaato hor leh u horseedi karaan amaanka gudaha wadanka kiiniya,waxaana ay sheegeen in Alshabaab ka faiideysan doonaan shacab badan oo soomaaliyeed si ay iyaga ugu soo biiraan.

Waxa kale oo ay ku baaqeen in ciidamada dawladda kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo ay gooni ka istaagaan kooxaha isku haya siyaasada gobollada jubooyinka,waxaana ay sheegeen in hadii ciidamada kiiniya ay dhinac la saftaan jaanis wanagsan ay heelayaan kooxda Alshabaab isla markaasna ay soo jiidan doonaan soomaali badan iyagoo ku qaldaya in ciidamada kiiniya dalka soomaaliya ay doonayaan inay qabsadaan.

Dhamaan dadkani waxay baaq u direen Madaxweynaha dawlada kiiniya ee dhawaan xilka madaxtinimo loo doortey waxaana ay u ugu baaqeen in ciidamadooda laga soo saaro dalka soomaaliya si dhibaatada amaan darro ee ka jirta gobollada kiiniya ay u yaraadaan,waxaana ay sheegeen in hadii dawladoodu ay ciidamadeeda kala soo baxdo gudaha soomaaliya aysan Alshabaab weeraro ku soo qaadi doonin gudaha kiiniya.

Waxaa xubnaha werwer xoogan ka qabaan falalka amaan darro ee ka jira degaanada gudaha wadanka kiiniya gaar ahaan magaalada Mombasa,Wajeer, Gaarisa Iyo Xeryaha qaxootiga oo waqti kasta lagu dilo dad tageersan dawlada kiiniya isla markaasna ay u badan yihiin ciidamada dawlada kiiniya,waxaana ay sheegeen inay weeraradaasi fuliyaan Alshabaab oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada kiiniya ee gudaha dalka soomaaliya.

Gebagabadii waxaa baaqan imaanayaa xilli ay maanta magaalada Addis Ababa ku kulmeen madaxda IGAD oo ay ku jiraan Madaxweyneyaasha Soomaaliya Iyo Kiiniya oo iyagu ka wada hadli doona xaaladihi ugu dambeeyey ee wadanka soomaaliya,lama yaqaan qaabka uu uga jawaabi doono madaxweynaha kiiniya baaqan ay u soo direen bulshadda kala duwan ee dalkiisu.

Faarax Xasan Geele

Nairobi,Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com