Ciidamada Kiiniya Oo Lagu Wargeliyey Inaysan Wefti Ka Socda Dawladda Soomaaliya Dib Uga Celin Karin Kismaayo

0

to12Kismaayo(AGGM) Galabta waxaa garoonka diyaaradaha magalaada kismaayo ka soo degtey Diyaarad ay la socdeen wefti ka socda saraakiisha ciidamada Amisom ee fariisimaha ku leh magaalada muqdisho Iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka soomaaliya,waxaana saraakiishaasi kulan muhiim ah la qaateen Madaxda ciidamada kiiniya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Taliska ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho ayaa Nuqul ka mid ah war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii madaxda midawga afirka iyo IGAD u gacan galiyey taliska ciidamada kiiniya ee ku sugan kismaayo isla markaasna qaybta ka ah ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya.

War-Murtiyeedkan ayaa lagu amray ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo inaysan mar dambe ku kicin falalkii hore looga bartey ee ahaa inay dib u soo celiyaan weftiyada dawlada soomaaliya u dirto magaalada kismaayo iyadoo hadda dhawr jeer ka hor ay dib uga celiyeen wefti dawlada soomaaliya ka tirsan oo soo gaaray magaalada kismaayo.

Sidoo kale waxaa kulankaasi galabta goob joog ka ahaa Axmed Islaan Axmed Madoobe oo isagu dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha Jubbaland,waxaana taliska ciidamada Kiiniya Axmed madoobe  si cad ugu sheegeen inay ku dhaqmayaan amarka ka soo baxay Madaxda Midawga Afrika Iyo IGAD isla markaasna ay tix galin doonaan cid kasta ka socota dawlada Soomaaliya isla markaasna yimaada magaalada kismaayo.

Taliska ciidamada Kiiniya ee ku sugan magaalada kismaayo ayaa si cad u bayaamiyey inaysan xaaladda soomaaliya faraha gashan doonin isla markaasna ay ku dhaqmayaan awaamiirta ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya,waxaana talaabadaasi maanta hir gashay markii wasiirada arimaha dibedda dawlad kiiniya Aamina Maxamed Cabdulaahi oo ka socda dalka kiiniya ay qallinka ku duugtey in arrimaha soomaaliya looga dambeeyo dawlada soomaaliyeed.

Hadii arrintaasi hirgasho waxaa meel cidla ah is taagi doona Axmed Madoobe iyo Maamulkisa,waxaanse la ogeyn talaabada rasmiga ah ee uu qaadi doono Axmed Madoobe iyo kooxdiisu oo hadda u muuqda inuu Meel xun gabalku kaga dhacay,waxaana arrimahaasi yimaadeen markii dawlada IGAD iyo Midawga afrika sheegeen in dawlada soomaaliya xaq u leedahay soo dhisida maamuladda dalka isla markaasna ay sharci darro ku tilmaameen maamulada looga dhawaqay kismaayo.

Gebagabadii waxaa talaabadan imaanaysaa xilli maanta ay Ciidamada Kiiniya sheegeen inaysan masuul ka ahayn amaanka xildhibaanada dawlada ee ku sugan kismaayo balse ay isla maanta ay dib uga laabteen hadalkaasi,taasi oo bedeshay markii ay saraakisha amisom iyo kuwa soomaalida ahi soo gaareen garoonka diyaaradaha kismaayo oo ay ciidamada kiiniya gudoonsiiyeen war murtiyeed ku aadan arrimaha dalka soomaaliya iyo hawlgallada ciidamada Amisom ee ku sugan dalka soomaaliya.

Saleebaan Guuleed Warsame

Kismaayo,Jubbadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com