Ciidamada Dawladda Soomaaliya Iyo Kuwa Itoobiya Oo Ku Wajahan Jubbada Dhexe Maalmaha Soo Socda

0

Ethiopian soldiers ride an army vehicleKismaayo(AGGM) Ciidamada dawlada federaalka soomaaliya ee gobolka Gedo oo gacan ka helaya ciidamada dawladda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay maalmaha  soo socda u soo ruqaansanayaan dhinaca gobollada jubadda dhexeiyo jubbadda hoose,waxaana la sheegayaa in dhamaan agabkii lagu dagaal geli laha ciidamada dawladda ee gobolka Gedo loo diyaariyey.

Ciidamada gobolka Gedo ayaa la sheegayaa inay hadda ku sugan yihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo,waxaana la sheegayaa in tirada ciidaamadaasi  ay yihiin ilaa 1000 askari kuwaasi oo gacan ka helaya ciidamada dawlada itoobiya,waxana lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan qaybo ka mid ah gobollada jubadda dhexe iyo jubadda hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in qorshahoodu yahay inay la wareegaan magalooyinka Bu,aale iyo Jilib oo ah meel muhiim u ah Alshabaab isla markaasna ay ka helaan dhaqaalaha ugu badan ee hadda ay ka helaan gobollada ay gacanta ku hayaan,waxaana arrintaasi walaac ku beertey Alshabaab.

Inta badan gobollada jubooyinka waxaa gacanta ku haya Xarakada Alshabab marka laga reebo magaalada kismaayo iyo Afmadow,waxaana inta badan degaanada labadaasi magaalo ka dhaca weeraro ay alshabaab ku soo qaadaan kuwaasi oo ay la beegsadaan ciidamada kiiniya ee degaanadaasi ku sugan.

Lama oga xilliga ciidamadaasi ay soo gaari doonaan qaybo ka mid ah gobolladda jubooyinka iyadoo lagu wado inay maalmaha soo socda soo gaaraan qaybo ka mid ah jubadda dhexe iyadoo laga yaabo inay dagaalo culus kala kulmaan Alshabaab oo dhulkaasi ku xoog badan.

Saleebaan Guuleed Warsame

Kismaayo,Jubbadda Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud.

Allgalgaduud@gmail.com