Dagaal Ka Dhacay Xuduudka Ay Ethiopia La Wadaagto Gobolka Hiiraan.

0

Ethiopian soldiers ride an army vehicleBaladweyne (AGGM): Dagaalo ka dhacay deegaano saaran xadka u dhaxeeya Itoobiya iyo gobalka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 qof oo isugu jira maleeshiyo hubeysan iyo dad rayid ah.

Weerarkan ayaa ka dhacay goobo u jirta magaalada Beledweyne 75km dhinaca xaduuda Itoobiya, wuxuuna bilowday kadib markii ay xoogaga Al Shabaab isku dayeen inay xoog dad reer miyi ah uga qaataan xoolahooda.

Al Shabaab ayaa la sheegay inay baadi goobayeen waxay ugu magacdareen Sako, oo ah xoolaha ay sida baada ah uga qaadaan dadka reer Miyiga arrintan oo ay iska difaaceen dadka shacabka ah ee reer Guuraaga ah.

Al Shabaab ayaa goobo kala gedisan ku dilay 5 qof oo rayid ah oo uu ku jiro wiil arday ah, waxaana kadib meel 75km u jirta galbeedka magaalada Hiiraan ku dagaalamay ciidamada Kiilka-Shanaad ee deegaanka ismaamulka Soomaalida, halkaasi oo la sheegay inay ku dhinteen 12 kamid ah xoogaga Al Shabaab, waxayna Booliiska sheegeen inay gacanta ku dhigeen 5 nin oo dhaawac ah oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay inay bilaabayaan weeraro ay la beegsanayan goobaha miyiga ah ee ku sugan yihiin xoogaga Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo kamid ah gobalka Hiiraan ee saaran xadka u dhaxeeya dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com